Caqabadaha Uu La Kulmi Doono Biden ---- Waxaa Qoray: Zakaria Ahmed.
madaxwayne Biden wuxuu la daalaadhici doonaa dib-u-dhisida dhaqaalaha waddanka, kabka ay siin doonaan shirkadaha, taageerida kharashka kirooyinka iyo addeeg bixinta caafimaadka.
2. Shaqaalo la'aan baahsan oo soo food saartay dadwaynaha Maraykanka ayaa iyana ah caqab wayn oo uu la kulmi doono Biden. Shirkado baddan ayaa dhimay shaqaalahoodii, oo wali ku andacoonaya in aanay kasoo kaban samaynta xannuunka.
3. Maalgashigii uu Maraykanku ka samayn jiray waddama kale ayaa hoos u dhac wayni ku yimid intii lagu guddo jiray xannuunka COVID-19. Tartanka maalgashiga ee Africa iyo Latin America ee ka dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha innuu kor-u-qaado ayaa iyana ah arrin wayn oo uu caqabad kala kulmi doono.
4. Soo celinta siyaasado baddan oo uu laalay Trump intii uu xukunka hayay, sida Obama Care, heshiiskii Paris lagu saxeexay ee iskaashiga isbaddelada cumilada oo Trump uu ka baxay, Maraykankuna aanu hadda heshiiskaa ku jirin.
5. Dib u soo celinta siyaasadii arrimaha debbada ee Maraykanka. Intii uu xafiiska joogay Trump waxa hoos u dhacday saamayntii uu Maraykanku kulaa Africa, Yurub iyo Asia. Soo celinta xulafadii uu ku lahaa Maraykanku waddamada kale - ayaa iyana ah caqabado uu la kulmi doono Biden.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!