Trump Oo Ku Goodiyay Inuu Soo Laaban Doono

0
Thursday January 21, 2021 - 08:22:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Ku Goodiyay Inuu Soo Laaban Doono

    "Waxay ahayd sharaf iyo karaamo weyn inaan madaxweyne idin noqdo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ahayd sharaf iyo karaamo weyn inaan madaxweyne idin noqdo."

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu si uun u soo laaban doono ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad oo muddo afar sano ah uu joogay isaga oo madaxweyne ah .

 

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa markii uu isku diyaarinayay inuu u duulo Florida inay u ahayd "sharaf weyn inuu madaxweyne u noqdo.

 

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee diida inuu xilka wareejiyo tan iyo 1869-kii laakiin wuxuu yiri: "Waxaan u rajeynayaa maamulka cusub nasiib wacan iyo guul weyn".

 

Muxuu sheegayTrump?

Mr Trump ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ka jeediyay xaruunta ciidamada cirka ee llagu magacaabo Joint Base Andrews oo ku taalla gobalka Maryland, kadib markii isaga iyo xaaskiisa Melania Trump ay ka duuleen aqalka cad ayna gaareen halkaa.




Khudbada uu jeediyay wuxuu ku muujiyay guulaha "cajaa'ibka leh",ee siduu isagu qabo uu gaaray maamulkiisii isaga oo tusaale u soo qaatay shaqo abuurka, canshuuraha, iyo waliba horumarka degdega ah ee tallaalka Covid -19.


Wuxuu dadka ku booriyay inay "aad iyo aad uga taxaddaraan" masiibada "argagaxa leh" isla markaana ay ixtiraamaan dadka dhibaatooyinka la daalaa dhacaya .


Wuxuu intaa ku daray: "Waxay ahayd sharaf iyo karaamo weyn inaan madaxweyne idin noqdo... marwalba waan idiin dagaalami doonaa. Waana la socon doonaa xaaladaha.


"Waxaan u rajeynayaa maamulka cusub nasiib wacan iyo guul weyn. Waxaan u maleynayaa inay guuleysan doonaan guul weyn. Waxay haystaan fursad ay ku qabtaan wax aad u qurux badan runtii."


Laakiin, ma uusan xusin magaca madaxweynaha cusub Mr Biden.

Mr Trump wuxuu intaas ku daray: "Nabad gelyo, waan idin jeclahay. Qaab uun ayaan ku soo noqon doonnaa. Nolol wanaagsan gaara, dhawaan ayaan is arki doonnaa."


Mr Trump wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgalin caleemo-saarka madaxweynaha cusub.Hadda waxaa u bilaabaneysa nolasha madaxweynimada kadib.


Maxaa kale oo uu Trump sheegay?

Mr Trump qudhiisa ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka xayuubin ka dib markii lagu eedeeyay "kicin dad weyne iyo kacdoon " islamarkana waxaa uu wajihi doonaa aqalka Sanetka.


Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed.


Waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

Fariintiisa ayuu ku sheegay, Mr Trump in maamulkiisa uu dhisay"dhaqaalihii ugu ballaarnaa ee taariikhda caalamka soo mara".


Trump ayaa xilka ka tagaya xilli uu dalkaasi fara ba'an ku hayo feyriska Corona, islamarkana tirada dhimashada ay imika gaartay 400,000 oo qof.


Suuqyada saamiga Mareykanka ayaa ka soo kabtay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Si kastaba, dhaqaalaha kale ayaa la daalaa dhacaya saameyntii uu coronavirus ku yeeshay. Shirkadaha ayaa bishii December dhimay shaqaalaha. Iibka tafaariiqda ayaa hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay, iyadoo ay shaqo la'aantu korotay.


"Ajandaheennu kuma saabsaneyn midig ama bidix, kuma saabsaneyn Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga, balse wuxuu quseeyay qaranka, taasna waxay la micno tahay dalka dhan," ayuu yiri Mr Trump.

Wuxuu xafiiska ka tegayaa isagoo heysta qiimeyn 34% ah, taas oo ah mid aad u hooseysa.

 

BBC

Loading...
Loading...