Siyaasi Cali Warancadde Oo Ka Hadlay Wakhtiga Loo Cayimay Qabsoomida Doorashadda
Siyaasi Cali Warancadde Oo Ka Hadlay Wakhtiga Loo Cayimay Qabsoomida Doorashadda
Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cali Maxamed Warancadde oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee reer Somaliland ayaa ka hadlay Wakhtiga ay Guddiga doorashooyinku u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka.
Waxa kale, oo uu ka hadlay Siyaasi Cali Warancadde qaabka la isku waafajin karro go'aankii hore ee Golaha Guurtiddu ka soo saarreen qabsoomidda doorashooyinka iyo wakhtigan cusub ee Komishanka doorashooyinku u cayimeen inay qabsoonto Doorashadda Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.
"Horta Doorashooyinkeennu muddo badan ayay wakhti dhaafeen, gaar ahaan labadda gole ee Baarlamaanka, iyaddoo marar badanna uu khilaaf jirey, Waxaannan u arkaa Wakhtigaas ay sheegeen Guddiga doorashooyinku mid macquul ah, waannan ku boggaadinayaa Komishanka qaranka." Ayuu yidhi Siyaasi Cali Warancadde.
"Dadkeennu way u diyaarsan yihiin doorashooyinka, Dhaqaalihii lagu qaban lahaanna waa diyaar, markaa mushkulad wayn oo aan wax laga qaban karin mooyee, waxaan qabaa in doorashooyinku ku qabsoomi karraan Wakhtigaas cusub ee Komishanka doorashooyinku u cayimeen doorashadda Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka." Ayuu yidhi Cali Maxmaed Warancadde.
Loading...
Loading...