Xildhibaan Iska Casilay Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Buuxiyay Booskuu Baneeyay

0
Wednesday January 20, 2021 - 14:38:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Iska Casilay Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Buuxiyay Booskuu Baneeyay

    "Xildhibaanka Booska Banaanaaday Buuxiyay Ayaa Maanta La Dhaariyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xildhibaanka Booska Banaanaaday Buuxiyay Ayaa Maanta La Dhaariyay"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2021-ka, dhaariyay mudane Axmed Cali Warsame, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada JSL.




Xildhibaan Axmed Cali Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Sanaag, komishanka doorashooyinka qaranka oo tixraacaya qodobka 78, faqradiisa 2-aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada JSL Xeer Lr. 91/2020,  oo sheegaysa nidaamka loo buuxinayo jagada ka banaanaata golaha wakiilada, waxa uu  u soo xulay mudane Axmed Cali Warsame oo ah kaydka saddexaad ee xisbiga UCID in uu buuxiyo jagadaasi.


Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 19-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo mudane Axmed Cali Warsame jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.


Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

 

Wa bilaahi tawfiiq

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL

Loading...
Loading...