Y A A D I I D AN... Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka (CXD)?

0
Wednesday January 20, 2021 - 11:01:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Y A A D I I D AN... Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka (CXD)?

    WQ: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Axmed-Assad M. Awaare

Dad door ah baa ka xun dhismaha CXD, laakiin waxaynu ku soo koobaynaa 5-D (shanta D ka bilaabma)!



1 DULMANE, 2 DIGDIGLE, 3 DEMIIN, 4 DAALLIN, 5 DAMBIILE!

1- DULMANE: waa muwaadin hore loogu dulmiyay ama gacalkiisa hore loogu dhibay dirayska ciidamada, gabood-falkaasi oo ay gaysteen madax ku sheeg dulmi-faleyaal wax ma garato ahi. Muwaadinkan, waxaa ku dhacay hiirtaanyo - raagtay [Post Traumatic Stress Disorder (PTSD)], wuxuuna u baahan yahay jilib-salaax badan, dulqaad badan iyo u xaqiijin badan inaan tacadigaas oo kale inagu soo noqon doonin abid.


2 - DIG-DIGLE: waa siyaasi iimaan beelay oo fadlan lacag ama xil ku shubbo ah! Shaqsigani ciidanka wuxuu neceb yahay markaanu xil hayn, waxaana qalbigiisa hoose ku dhidban maahmaahdii ahayd  "hadaad taliso oo lagu diiddo, horta in la jabbo ma jeceshahay" ama "kiligii cunoow kiligaa celceli". Markaanu xil hayn wuxuu makhruuq-siyaasadeed ku yahay ciidanka iyo wanaag kasta oonu isagu qayb ka ahayn!


3- DEMIIN: magaciiisa ayaad ka garanaysaa inuu yahay demiin-siyaasadeed, waxaanu marwalba dhagaha u raariciyaa tolaayeeyda dig-diglaha siyaasadeed ee beeshiisa, ama qaaqlaha tolkii Baraha Bulshada ugu dubaaladda dheer! Mana aha qof kala hufi kara ama kala dhil-dhili kara farqiga u dhexeeya danta dig-diglaha iyo danta qaranka! Kan xalkiisu wuxuu ku lingaxan yahay, hadba jihada uu digdigluhu maalintaa u tukanayo!


4- DAALIN:  Waa jaajuus! Waana axad qabaan u ah dawldo shisheeye oo ay iyagu leeyihiin. Aalaaba waxaa laga haya faro foolxun, ama waxaa loo daadiyaa waxoogaa dhaameel ah iyo balanqaad xil. Wuxuu marba sidii dawaco sumaysan uga soo boodaa hadba wixii loo far-fiiqo ee soo suurad-xumee la yidhaahdo. Waxuuna iska dhig-dhiggaa inuu yahay falanqeeye siyaasadeed, aqoonyahan ama hogayaamiye kooxeed!


5- DAMBIILE:  Waxaa jirra dhawr nooc oo dambiileyaal ah sida: 

b) Xagjir-diimeed argagixiso ah oo dadka u xasuuqa si xinjiro-ku-naaxnimo ah,

 t) dagaal-oogge hore oo aan rabin in lala xisaabtamo,

 j) ganacsade xaaraan-ku-naax ah oon doonhayn in dawlad xoog lihi dalka ka dhalato si aan cashuur looga qaadin,

 x) hogaamiye hore oo hanti qaran lunsaday ama sun kiimiko ah dalka ku aasay ama nin xil soo qabtay oo hanti qaran shisheeye u gacan geliyay IWM.


SIDEE LOO WAJAHAA 5-D?

- Dulmane wuxuu u baahan yahay u dhimrin,  raali-gelin iyo qancin joogto ah.


- Digdigle wuxuu u baahan yahay kasbasho iyo casuumaad joogto ah, waayo dhanwalba waxbuu u riddi karraa!


- Demiin wuxuu u baahan yahay wacyigelin joogto ah iyo inuu dig-diglaha tolku xagga san u jiheeyo!


- Daalin wuxuu u baahan yahay daba-gal joogto ah iyo in cidduu qabaanka u yahay dalka laga wiideeyo!


- Dambiile wuxuu u baahan yahay xabsi joogto ah hadaanu toobad keenin, midka dagaalamayaana haduu nabadda diiddo wuxuu u baahan yahay xabad joogto ah!


WQ: Axmed-Assad M. Awaare
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...