Masuuliyada Dhabarka U Saaran Hoggaanka Xisbiyada Ee Ay Ummadu Ka Sugayso !

0
Wednesday January 20, 2021 - 10:31:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyada Dhabarka U Saaran Hoggaanka Xisbiyada Ee Ay Ummadu Ka Sugayso !

    W/Q: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Asalaamu Calaykum

 

Dadweynaha reer Somaliland waxay si Xor iyo Xalaal ah u doorteen saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid, iyaga ayaana uu Waajibkoodu yahay inay Ummada usoo xulaan Wakiilo gole deegaan iyo Baarlamaan oo Sharaf iyo Aqoon leh oo Dadweynaha u shaqeeya.

 

Ummada reer Somaliland umay diran, mana metelaan, sharcina uma haystaan in ay Odayaal   Qabali ah iyo Xubno geedo hoostood ku shiray ay iyagu Ummada usoo xulaan cidii u meteli lahayd golayaasha Qaranka.

 

Saddexda Hogaamiye Xisbi ayay dhabarkooda saaran tahay in ay iyagu gacantooda ku xulaan oo ay ku shaandheeyaan shuruudaha sharciga ahna mariyaan Qofka ay Xisbigooda ka soo sharraxayaan.

 

Masuuliyadaas xulista xubnaha sharraxan waxa ay dadweynuhu u dirteen oo sharciguna siiyay waa hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran oo ah xiliga ay ugu awoodda badan yihiin ee aanuu murashax noqon karin qofkii aanay iyagu ogolaan.

 

Marmarsiiyo noqon mayso Hebel Odayaal ayaa waday oo noo keenay, ama beeshiisaa soo xushay, taasi ma jirto meel ay sharciga kaga taalo, mana jiraan Odayaal cid metela oo afti iyo ogolaansho sharci ka haysta dadweynaha.

 

Qof kastaa wuu samayn karaa inuu dhawr boqol oo qof huteel ku soo xareeyo, qado iyo qaadna u qaado, warbaahintana uu u yeedho ka dibna uu yidhaahdo reerkayga ayaa i wata oo aan codkooda aan haystaa.

 

Saddexda Hogaamiye Xisbi Qaran ee Madaxweyne Muuse Biixi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Masuuliyadu ay dhabarka u saaran tahay inay Ummada usoo xulaan dad Dalkan u damqanaya oo horumar gaadhsiin kara.   Ma jirto cid kale oo la leh masuuliyadaas oo ay ku riixi karaan ama kaga marmarsoon karaan inay soo xulaan murashixiinta.

 

Dadweynaha reer Somaliland may dooran Odoyaal Qabiileed kolba hudheel ama geed lagu   hoos shiriyo oo yidhaa hebel baan wadanaa, balse Ummadu waxay dooratay Saddexda Xisbi iyo hoggaankooda oo ay Taariikhdu kula xisaabtami doonto murashixiinta ay Bulshada hor keenaan.

 

Hoggaanka Xisbiyada marmarsiiyo u noqon mayso inay masuuliyadooda ka cararaan oo ay ku doodaa   Hebel reerkooda wata oo noo keenay.

 

If iyo Aakhiraba Hoggaanka Xisbiyada ayaa lagala xisaabtamayaa qofkii ay Xisbiyadooda ka soo sharraxaan.

 

Ugu danbayn Muwaadin haddii uu Qabiilkaaga ama Xaafadaada u sharraxan yahay qof aan ku haboonayn inuu ku metelo, fadlan qofkaas codkaaga ha siin, waxaad codkaaga siisa qofka wanaagsan ee Dalka wax u tari kara Xisbiga uu doono ha ahaado, ama Qabiilka uu doono ha u dhashee, qofkaas ayaa anfacaya, Dalkaaga, Dadkaaga iyo Diintaada.

 

Somaliland ha Guulaysato

 

W/Q: Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...