Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Cambaaraysay 4 Suxufi Oo Lagu Xidhay Boorama

0
Wednesday January 20, 2021 - 10:17:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Cambaaraysay 4 Suxufi Oo Lagu Xidhay Boorama

    Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ku shaqeeyaan deegaan cabudhin ku ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ku shaqeeyaan deegaan cabudhin ku ah

War-saxaafadeed

 

19th January 2021- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland inay si dhaqso ah oo aan shardi ku xidhnayn u sii dayso suxufiyiinta afarta ah ee ay ku xidhay Boorama.




Xuseen Caateeye Gaafane, oo ka tirsan Universal TV, Cabdilaahi Daahir Wacays, Saab Tv, Axmed Diiriye Ciiltire, SBC TV, iyo Shucayb Maxamed Kaahin, Bulsho TV, waxa ay ku jireen saldhigga Booliiska tan iyo 16 January 2021 iyada oo uu xadhigooda amray Maayarka Boorama sida ay noo xaqiijiyeen ilo badan oo aannu la xidhiidhnay. Ma jirto wax dembi ah oo lagu soo oogay.


Xadhigoodu waxa uu la xidhiidhaa qoraallo ay soo dhigeen barahooda bulshada ee Facebook oo la sheegay inay ku saaban safar la sheegay inaan la shaacin oo duqa Boorama oo ku tegay Jibuuti. Waxa la qabtay suxufiyiinta iyada oo aan wax amar maxkamadeed ah loo hayn.


 Xadhiga suxufiyiintu waa sharcidarro iyo cabudhin. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ku shaqeeyaan deegaan cabudhin ku ah. In loo xidho suxufiyiinta wax ay ku qoreen baraha bulshada waxa ay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafada. Maayarku awood uma laha inuu xidho qofkii soo qora wax aanu jeclaysan. Xorriyadda hadalku waa arin dastuuri ah ee maaha wax u baahan ansixinta maayar.


Sida ku cad qodobka 25(2) ee dastuurka qofna lama qaban karo hadii aanu dembi faraha kula jirin ama aanu soo saarin garsoore awood u leh xadhig sababaysan. Sidoo kale qodobka 32 ee dastuurku waxa uu damaanad qadaay xorriyadda warbaahinta oo waxa uu mamnuucay in warbaahinta la cabudhiyo.


Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqaysaa xukuumadda inay xorriyaddooda u soo celiso afarta suxufi oo ay ilaaliso xorriyadda warbaahinta.


Yasmin Omar Haji Mohamoud,

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland

Email: [email protected]

Twitter: @hrcsomaliand

 

 

 

 

 

Loading...
Loading...