Xadhkaha Shirkadaha Laydhka Oo Caqabad Ku Noqday Biyo Gelinta Hargaysa
Hargaysa (HWN) Guddida joogta ah ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa kormeer ku tagay wakaaladda biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ku soo dhaweeyay maareeyaha wakaaladda biyaha, mudane Maxamed Cali Daarood.
Intaas kadib waxaa ay maareeyaha iyo guddidu kormeer xog ogaal u noqosho ah ku soo sameeyeen qaar ka mida goobaha ay ka socoto biya-gelinta caasimada Hargeysa, kuwaas oo hadda intooda badani gabo gabo ku dhaw yihiin.
Maareeye Daarood waxaa uu xafiiska shirarka ee wakaaladda biyaha warbixin ku siiyay dhinacyo badan taabanaysa guddida joogtada ah ee golaha guurtidda. "Barkadda biyaha ilaa Tubutaariyadda ayaa shan bilood socday, halkii la doonayay in boqol mitir oo dhaw dhaw ugu yaraan, ayaa laga yaaba lix mitir in la dhigo, caqabaduna wax kale maaha, wax kale maahe xadhkihii laydhka ayaa ka buuxa oo gacanta cagafta lagu xidhayo, kharashkii ayaa kordhaya oo mashruuca ayaa waalanaya mashaakiilka ugu weyn ee na haysta waa kaas.
Sidoo kale dhagax ayaa muddo caqabad ku ahaa goobaha biyuhu soo marayaan, madaxweyne Muuse Biixi, ayaa go’aansaday in Miino loo isticmaalo 79 xabbo oo Anti Taangi ah ayaa loo isticmaalay, magaaladiina waxaa jirta caqabad aanu kala kulano dhulkan meel walba la sharciyeeyay iyo laydhadhkan meel walba maraya”