Waa Maxay Fayraska Kale Ee Walaaca Ku Haya Qaaradda Aasiya?

0
Tuesday January 19, 2021 - 15:41:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Fayraska Kale Ee Walaaca Ku Haya Qaaradda Aasiya?

    "Waa walaac weyn, sababtoo ah ma jirto dawo… heerka dhimashada ee fayraskana way sarreysaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa walaac weyn, sababtoo ah ma jirto dawo… heerka dhimashada ee fayraskana way sarreysaa,"

Heerka dhimashada ee fayraska Nipah ayaa lagu qiyaasay 75% boqolkiiba, mana laha wax tallaal ah, halka ay dunidu diiradda saareyso Covid-19, balse saynisyahannada ayaa si adag uga shaqeynaya inuusan sabab u noqon dillaacitaanka xanuun kale oo safmar ah.



Waxay ahayd 3-dii January 2020, Supaporn Wacharapluesadee waxay sugeysay inay haweeney umuliso.

Waxaa xilligaa baahay wararka sheegaya in cudur ku dhaca neefmareenka uu saameyn ku yeeshay dadka Wuhan, Shiinaha, waxaana soo dhowaa sannadka cusub ee Shiinaha. Dalxiisayaal badan oo Shiinees ah ayaa aaday dalka deriska la ah ee Thailand si ay ugu dabaal degaan.


Dowladda Thailand ayaa iyadoo taxadar muujineysa bilowday baaritaanka rakaabka ka imaanayay Wuhan, iyadoo sheybaarro yar oo uu ka mid yahay kan Wacharapluesadee - loo doortay in ay baaritaanka sameeyaan.

Wacharapluesadee waxay khabiir ku tahay fayrasyada. Waxay madax ka tahay xarunta caafimadka ee Bisha Cas ee magaalada Bangkok.


Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxay qeyb ka ahayd hay'adda Predict, oo ah dadaal caalami ah oo wax looga qabanayo xakameynta cudurrada ka soo gudbi kara xayawaanka una gudbi kara bani'aadamka.


Iyada iyo kooxdeeda waxay baaritaan ku sameeyeen xayawaanno badan. Balse diiradda koowaad waxaa la saarayay noolaha fiidmeerta ama kibiliga, oo lagu yaqaanno inuu sababo noocyo badan oo ka mid ah coronavirus.


Kooxdan seynisyahannada waxay awoodeen in ay cudurka ku ogaadaan maalmod gudahood, waxayna garteen kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 ee laga helo meel ka baxsan Shiinaha.


Waxay heleen in fayraskaas lala xiriirin karo noocyada coronavirus ee ay hore uga heleen fiidmeerta. Dowladda ayaa warbixintaas goor hore la helay darteed waxay u suurtagelisay in ay degdeg u karantiisho bukaannada ayna u digto muwaadiniinta.


Dalka Thailand waxaa ku nool illaa 70 milyan oo qof, 3-dii January 2021 wuxuu diwaan geliyay 8,955 oo kiis iyo 65 dhimasho ah.


Khatarta xigta

Balse iyadoo ay dunida ay la daalaa dhacayso Covid-19, Wacharapluesadee waxay ku howlan tahay xanuunka safmarka ah ee xiga.


Qaaradda Aasiya waxaa ka jira cudurro badan oo faafa. Bulshada sii badaneysa iyo is dhexgalka dadka iyo xayawaannada duurjoogta ah ee dalalka qaaraddaas ayaa khatarta ugu badan sababaya.


Intii ay baaritaanka wadeen, kumannaan fiidmeer, ayay Wacharapluesadee iyo kooxdeeda ogaadeen in ay sababaan noocyo fayrasyo ah. Waxay inta badan ka heleen fayrasyada Korona, balse sidoo kale waxay ka heleen cudurro kale oo dilaa ah oo ku dhici kara bani'aadanka.


Waxaa ka mid ah fayraska Nipah. Waxaa inta badan laga helaa noolaha kibiliga. "Waa walaac weyn, sababtoo ah ma jirto dawo… heerka dhimashada ee fayraskana way sarreysaa," ayay tiri Wacharapluesadee. Heerka dhimashada Nipah wuxuu u dhaxeeyaa 40% ilaa 75%, iyadoo ay ku xiran tahay halka uu ka dillaaco fayraska.


Walaaca keligeed kuma koobna. Sanad kasta, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu dib u eegis ku sameeyaa liiska cudurrada khatarta ku ah bulshada. Fayraska Nipah wuxuu ku jiraa liiskooda 10-ka ah.


Waxaa jira sababo dhowr ah oo fayraska Nipah lagu tilmaami karo inuu yahay mid halis ah. Waxaa jirta in fayraska uu jirka qofka ku negaan karo muddo 45 maalmood ah, taas oo suurto gelineysa in qofku sii gudbiyo isagoo aan ogeyn inuu xanuunsan yahay.


Wuxuu ku dhici karaa xayawaannoo badan, taas oo suurto gelineysa inuu sii faafo. Sidoo kale waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho si toos ah amaba cunitaanka cunto fayrasku ku jiro.


Qofka qaba fayraska Nipah wuxuu isku arki karaa calaamadaha neefmareenka sida qufac, dhuunta oo xanuunta iyo daal, maskaxda oo bararta taas oo sababi karta dhimasho.


Beddelidda Caalamka

In laga fogaado fiidmeerta way fududaan lahayd, balse iyadoo ay bulshadu sii kordheyso, dadka waxay beddelayaan dhulka iyagoo burburinaya deegaannada duurjoogta iyo noolaha kale ay ku sugan yihiin, taas oo sababeysa faafitaanka cudurrada.


Boqolkiiba 60% bulshada adduunka waxay ku nooshahay Qaaradda Aasiya iyo gobollada Baasiifigga, waxaana socota magaaleyn iyo deegaameyn baaxad wayn. Sida laga soo xigtay Bankiga Adduunka, ilaa 200 oo milyan oo qof ayaa u guuray magaalooyinka Bariga Aasiya intii u dhaxaysay 2000 iyo 2010.


Burburinta hoyga fiidmeerta ayaa markii hore sababay faafitaanka fayraska Nipah.

Sanadkii 1998, fayraska Nipah oo ka dillaacay Malaysia ayaa dilay in ka badan 100 qof. Baarayaasha waxay sheegeen in dabka ka kaca keymaha iyo abaaraha ay kibiliga ama fiidmeerta ka saareen hoygooda kuna qasbeen in ay deegaameystaan geedaha miraha la cuno ay ka baxaan.

 

BBC

 

Loading...
Loading...