Sanaag Hadal Uma Baahna,Waxay U Baahan Tahay Wax Qabad!.

0
Tuesday January 19, 2021 - 10:04:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanaag Hadal Uma Baahna,Waxay U Baahan Tahay Wax Qabad!.

    Dr. Abdul razak Mohdi Essa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Abdul razak Mohdi Essa

Horudhac yar baan doonayaa in aan ka idhaahdo marka ,hore waa magaalo xadaarad leh dadkeedu aad u wanaagsan yahay,waxaan kaga baxay imtixaankii la odhan  dugsiga hoose 1974 oo lagu dhigan jiray carabi iyo ingiriisi a waa mudo laga joogo 43 sanadood,haddan macalimiintaydii yara xasuusto..siciid karow,dhibitaati,ali jaamac boqore,jaamac ali daalin,jaamac darajo ,cabdirahman jaamac jangeli.aaleh,soodaani  iyo Mohd weyd oo ahaa maamulihii ka schoolka hoose.



Waxay leeday meelo loo dalxiis tago,xeebta oo dhan,buurta daalo,godka, iyo bustaanadda,midhisho,hareeda,dayaxa iwm.

 

Horta mashruuca ku xiga waa airportakoo u leh qiimo weyn dhica is gaarsiinta,dalxiiska gaar ahaan daalo iyo meelaha kale ee loo tago dalxiiska. daalo oo laga sameeyo  isgaarsiin casri oo ilaa xeebta ah.

 

Xoolaha oo tayadooda la kordhiyo iyagu daran bay daaqeen waa mac yihiin  laakiin waa in laga sii kordhiyaa,xagga beeraha khurda ayey caan ku tahay baradha ,kaabajk,dacasaha,batroolka iwm iyagan waa in la xoojiyaa.

 

Beeyada ayaa ah isna tadawur lagu sameeyo iyo dhirta kale ay ka mid tahay murkuda oo loo iib geeyo itoobiya,kaluunka ku dar debinta, taraaqadd, tuuna, libaax IWM, waxaasi oo dhami ,dekadda meydh wey socotaa, warshadda laasqoray ee kaluunka oo la baladhiyo iyaduna waxay ka qeyb qaadan kartaa horumarka dhaqan dhaqaale ee ku taamayo gobolku uma baahna hargeysa iyo wixii la hal maala ee wuxuu baahan kadariin is heysta oo u dhabar adeyga hawsha baaxadaa leh oo dhiig cusub leh.

 

Ismaaciil xaaji muuse oo ah aabay saaxiibkiina waxaanay leeyahay halkaa ka wad ,waa deeqsi ah oo nin baayac mushtar ah oo kifaax soo maray....1971 gurigii ugu horeeyey ee aanu degno ismaacil iyo xaamud ayaa noogu deeqay illaahay ha ka abaalmariyo....intii guryaha ilaalada na loo baneynaayey.

 

Dawladu waa in ay hadal ula tagto maaha ee waa inay buuxiyaan baahiyooyinka jira sida caafimaadka , biyaha, laydha, waxbarashada iyo amniga oo ay aad uga shaqeyso....waa in ay dawaladu ay yareysaa dilalka ka dhaca gobolka iyadoo u mareysa sharciyadda iyo wacyi gelin dadweynaha ..... dawladda seddexda sanadood jirtey ee muuse biixi weeye taanu la hadlaynaa.

 

Waxa muhiima ah  inta degta gobolka ee ay dani ka dhaxeyso in ay gacmaha is qabsadaan ileyn kala tegi maayaan wax kastoo dhaca (Dhulbahante, habarjeclo, habar yoonis, warsangeli, ugus labe, gaheyle, jibrahiil, muhumed, dadka laga tiro badan yahay..madigan,tumaal,magaado iwm)gacmo wada jir bey wax ku gooyaan,haddi aan taa la helin wax horumar ah ha ku seexan.

 

Waxaan maqaalka ku soo gunaadi lahaa dawladdu ha u dedaasho horumarinta gobolka ceerigaabo,bahdan,seylac dadweynuhuna ha baraarugaan.

 

Laascaanood hore ayey u socotaa.

 

Far keli fool ma dhaqdo.

Guuleysta reer ceerigaabo.

Afeef xisbina ma ihi ee waxaan jecelahay wadanka horumarkiisa!

 

 

Dr. Abdul razak Mohdi Essa

Senior supplu medical chain officer.

Seha Company/UAE

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...