Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kulan La Qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda

0
Tuesday January 19, 2021 - 09:28:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kulan La Qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xussen oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada dalka iyo Arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulan la qaatay Qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Deegaan Doorashadoodu tahay Hirshabeelle oo ku booqday halka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa Salaan iyo Isxog wareysi Xildhibaanada Federaalka ee Deegaan Doorashadoodu tahay ugu tageen Madaxweynaha ayaa looga arinsanayay Arrimo dhowr ah.

Wararka kulanka aan ka helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Xildhibaannada ay ka wada hadleen Arrimaha Gobolka Hiiraan iyo sidii xal looga gaari lahaa maadaama dadka ku nool Gobolka Hiiraan qaarkood ay kasoo horjeesteen doorashadii ka dhacday Jowhar iyo sidii ay si Nabadgelyo ah ugu dhici laheyd doorashada labada Aqal qeybta loo asteeyay Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tan iyo markii lagu doortay Magaalada Jowhar waxaa kacdoon kala horyimid Jabhad laga Aas’aasay Magaalada Beledweyne, kuwaas oo dhowr jeer u diiday in uu tago halkaas.


Loading...
Loading...