Iigu yeedh Borofisoor/Barafaysar!!: Call me a Professor!!

0
Tuesday January 19, 2021 - 09:04:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iigu yeedh Borofisoor/Barafaysar!!: Call me a Professor!!

    W/Q: Muuse Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse Cabdi

Dadyaw badan oo ay Soomaalidu qayb ka tahay ayaad moodaa inay si ka duwan qaabka saxda ah u isticmaalaan Ereyga Barafaysar, in badan oo Soomaalida kamid ahi waxay ereygan u isticmaalaan qofkasta oo Jaamacad dhiga, iyada oo laga yaabo in heerkiisa aqooneed ayba tahay shahaadada koobaad ee Jaamacadda, maqaalkan marabo inaan kaga hadlo sababaha keenay inay Soomaalidu sidaas ufahanto, oo taasi waxa ay noqonaysaa mawduuc kale, balse waxa aan kaga hadlayo mawduucan ayaa ah, muxuu yahay Barafaysar?



Qoraaga la yidhaahdo Bruce Macfarlane, ayaa ku qeexay ereygan Barafaysar mid macne ahaan is badala, isaga oo tusaale  usoo qaatay Ingiriisaka iyo Maraykanku inay siyaabo kale duwan u adeegsadaan. Maraykan oo kale wuxuu u adeegsadaa amaba uu ugu yeedhaa qofkasta oo ka shaqeeya goob waxbarasho sida Jaamacadaha islamarkaasna leh cilmi-baadhisyo kala duwan, halka Ingiriiska iyo qaybo badan oo Yurub ahi ay u adeegsadaan qofka gaadha darajada usaraysa ee aqoonaha kala duwan iyaga oo u eegaya horumarada uu ka gaadhay dhinaca waxbarashada.


Waxa kale oo Iyana ay dadku isku khaldaan darajooyinka Doctor (Dr.) iyo Professor, qofkasta oo Doctor ahi ma aha Professor, laakiin qofkasta oo Professorahi waa Doctor sida oo kale. Darajada Doctor waxa la siiyaa qofka diyaariya shahaadada PhD ee cilmigaas uu baranaayo, intaas kadib hawlo badan ayaa lagu xidhayaa qofkaas sidii uu Prof. unoqon laha, kuwaas oo ay kamid tahay; Cilmi-baadhisyo kala duwan oo uu sameeyo iyo sannado khibrad ah oo la rabo.


Si hadaba qofku uu u noqdo Professor, waxa uu sii maraa jaran-jarrooyin kala sarreeya, sideedabana inaad qaadato magacaas waxbarashadaada oo kaliya laguma qiimaynayo balse waxa weeye sarrayn xagada darajada wax dhigistaada la xidhiidha.


·       Lecturer/Assistant Professor/Caawiye-Barafaysar

·       Senior lecturer/Associate Professor/Kaaliye-Barafaysar

·       Professor/Full-professor/Barafaysar-Buuxa


Darajooyinkaas ayay dunidu siyaabo kala duwan u isticmaashaa, balse xagga la iskugu imanayaa waa darajada ugu sarraysa ee Professor.


Marka qofka loo qiimaynayo inuu gaadho darajadaas usarraysa, waxa qiimayntiisa u fadhiisanaya guddi Professors ka Jaamacadda hore u joogay, waana in uu qofkaasi leeyahay liis cimi-baadhiseed oo dheer iyo waliba waxyaabaha uu kusoo kordhiyay qaybaha kala duwan ee takhasus kiisa ah, macluumaadka laga rabaa waa kuwo lamid ah kuwii uu kaga qalin-jabiyey uu kuna helay PhD-diisa oo kale, Jaamacadaha ku kala yaala dacalada dunidu waxa ay leeyihiin cabiraado kala duwan oo ay ku bixiyaan darajadaas Professorship.


Hadaba kadib burburkii Dawaldii Soomaaliya, gudiyada tacliinta sare iyo Jaamacaduhuba waxa ay ku guuldarraysteen inay dajiyaan siyaasadda darajooyinkaas wax-dhigiseed ee Jaamacadaha iyo xaruumaha kale ee tacliinta sare. Ogaadana Macalin kasta oo Jaamacadeed looguma yeedhi karo darajadaas, shakhsina meel cidlo ah kama qaadan karo ee waa in guddi ka fadhiisataa oo ay Jaamacaddu siisaa.

 

 

Email: [email protected]

W/Q:Muuse Cabdi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...