Balanqaad Muhiim Ahaa Oo Muuse Biixi Usameeyay Dhakhtarka Wayn Ee Hargaysa Oo Beenoobay

0
Monday January 18, 2021 - 14:18:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Balanqaad Muhiim Ahaa Oo Muuse Biixi Usameeyay Dhakhtarka Wayn Ee Hargaysa Oo Beenoobay

    "waxaanay dadka qaar ay ku doodayaan inuu maray jidkii mashaariicdii fashilmay ee xunbo weyne"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanay dadka qaar ay ku doodayaan inuu maray jidkii mashaariicdii fashilmay ee xunbo weyne"

Hargeysa,  (HWN)- Iyadoo kal hore ay ahayd markii ay soo baxday in cisbitaalka Dowladda ee Magaalada Hargeysa ay dad ugu dhignteen xalaaddo Oxygen-la’aan,ayaa Muuse Biixi  oo war-baahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyadda sannadkii hore waxa uu sheegay in xaaladaas jirto,isla markaana ay ka hawl-geleen in mishiin weyn oo nooca Oxygen-ta dhaliya si deg-deg ah loogu keeno Cisbitaalka weyn ee Hargeysa

 

Agaasimihii hore ee cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa mar ay Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida u yeedheen si uga warreystaan xaaladda cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in mishiinka nooca dhaliyey Oxygen-ta uu Madaxweynu u dalbay oo ay sugayaan " Qalab Cusub ayaa Cisbitaalka usoo socda oo aan filayo inuu dhowaan yimaado, waxaan ka mid ah Mishiinkii ugu weynaa Oxygen-ta oo dhib weyn ka haysta Cisbitalka oo Mishiinkii Hore Waxuu Noqdey Mid Gabaabsi Ah , Waxaana noo dalbay Mishiinkaas madaxweynaha "ayuu yidhi  Yaasiin Carab January 2020-kii.

 

Madaxweynaha Muuse Biixi ayaa kullan saxaafadeed uu ku qabtay Qasriga Madaxtooyadda bishii March ee sannadkii 2020-kii , waxa uu sheegay mishiinkaa loo dal-bay cisbitaalka Hargeysa,isla markaana uu muddo 35 maal-mood ah lagu keeni karrayo dalka, waxaana kamid ahaa haddaladiisii "Wey jirtaa in ay mar ka xumaatay Oxygen-tii cisbitaalka Hargeysa oo dad ku dhinteen inan ku dhintay, maalintaas ayaa la diray mishiinkii kan jooga lagu xoojin lahaa,waxaana la yidhi waxa la idiin keeni karaa 35 cisho ka bacdi,meel ka dhow waanu diidnay,waayo, waxa aanu doonaynaa mishiin weyn oo dhaliya ku filnaada dadka intaa leeg mishiin yar oo kolba haan laga dhiliyo maanu doonayn waa laba bilood iminka labadaa bilood .”ayuu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Bishii March ee sannadkii 2020-kii.

 

Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa iyo guud-ahaanba dalka ayaa si weyn isku weydiinaya su’aalo baddan oo la xidhiidha mishiinkaa iyo halkii uu ku dambeeyey,waxaanay dadka qaar ay ku doodayaan inuu maray jidkii mashaariicdii fashilmay ee xunbo weyne oo kale,halka ay qaarna wax-yaabo kale sheegayaan.

 

Dhinaca Kale xoggo uu helay Foore ayaa sheegay in mishiinkaa la keenay, balse aanu shaqayn ee uu ku xidhayn yahay qol,isla markaana ay xaaladdii oxygen la’aantii taagan tahay ilaa hadda,lamana garanayo ilaa hadda mudda’daa sannadka ah waxa loo rakibi layahay mishiinkaas ee looga shaqayn siin waayey, madaama oo baahin weyn loo qabo wakhti xaadir oo ay jirto dhaxan baddan oo dadka xannuunada qaar leh ay u baahan yihiin Oxygen dheeraad ah .


Loading...
Loading...