Wasiir Faratoon Oo Soo Dhaweeyay Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz

0
Monday January 18, 2021 - 09:30:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Soo Dhaweeyay Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz

    Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay




Somaliland, ayaa soo dhawaysey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz ee ku saabsanaa inay Somaliland istaahisho inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad.



 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi"Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay..”


 

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu sheegay "Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in Somaliland tahay dad deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaadhnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena, Dawlad ahaana waxaa naga go’an inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka iyo in aanu Waddan walba ku qancino jiritaanka Dawladnimadayada iyo waxaanu qabsanay..”

Loading...
Loading...