Dagaalka Afghanistan: Haween garsooreyaal ahaa oo lagu dilay Kabul

0
Monday January 18, 2021 - 08:21:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Afghanistan: Haween garsooreyaal ahaa oo lagu dilay Kabul

    Haweenka ayaa lagu dilay dagaal dhacay aroortii hore, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenka ayaa lagu dilay dagaal dhacay aroortii hore, iyadoo


An Afghan security official stands guard on a road side check point in Herat, Afghanistan

Labo haween oo garsooreyaal ah kana tirsanaa Maxkamadda ugu Sarreysa Afghanistan ayaa la dilay.

 

Waxaa shalay oo Axad ahayd dilay rag aan la garaneyn xilli ay shaqadooda ku sii socdeen. Dilkooda waa kii ugu dambeeyay dhowr dilal lagu beegsanayay weriyeyaasha, kuwa u dooda xuquuqda dadka iyo siyaasiyiin.

 

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ciidamada Mareykanka ka saarayo dalkaas - iyadoo keliya 2,500 ay hareen.

 

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan ayaa BBC-da u sheegay in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee dalakas ay horseedeyso rabshado dheeraad ah.

Maxaa dhacay Axaddii?

Haweenka ayaa lagu dilay dagaal dhacay aroortii hore, iyadoo darawalkoodiina uu dhaawacmay.

 

Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Qala-e-Fathullah ee Kabul welina ma jirto koox sheegatay weerarka.

Kooxda Taliban ayaa lagu eedeeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Afghanistan, balse kooxda ma aysan sheegan.

 

Dilalkan lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah ayaa ku soo aadaya xilli wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeya wakiillada Taliban iyo dowladda Afghanistan lagu qabanayo magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

 

bbc/somali
Loading...
Loading...