RW Rooble iyo cali guudlaawe oo ka heshiiyay doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.
Kulankaan oo ahaa Mid gaar ah ayaa looga hadlay dardargalinta hannaanka doorashooyinka,sugidda amniga & horumarinta deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha in uu taageero u fidiyo maamulka Hirshabeelle si loo xaliyo tabashooyinka ka taagan.
Ra’iisul wasaaraha Rooble ayaa sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbaday in uu sameeyo dib u heshiisiin ballaaran oo lagu qanciyo shacabka kunool Hiiraan oo maamulkiisa kasoo horjeeda.