Komishanka Doorashoyinka oo Korneyl Muuse Biixi U Gudbiyey Warqadda Cayimaada Qabsoomida Doorashooyinka.

0
Saturday January 16, 2021 - 14:41:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashoyinka oo Korneyl Muuse Biixi U Gudbiyey Warqadda Cayimaada Qabsoomida Doorashooyinka.

    Korneyl Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korneyl Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka


No description available.


Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa Korneyl Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

 

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu Korneyl Muuse ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

 

Korneyl Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha,

waxana uu caddeeyey inuu ka Korneyl Muuse Biixi Cabdi ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo,waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

"Waxa inoo ballan ah inta doorashadaasi Illaahay idambkii ay nabad inoogu dhammaanayso inaynu dhammaan hareeraha ka joogno, waannu idin garab joogaynaa, hawsha waannu idinla wadanaynaa, dhibaatooyinka idin haysta, hawlaha iyo culaysyada ay leedahay waannu idiin tixgelinaynaa, wixii aannu idin la qaban karnonna waannu idin garab taaganahay.”

No description available.
No description available.

Loading...
Loading...