Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Ka Doodday Xeerka Dekeddaha Somaliland

0
Tuesday January 12, 2021 - 16:53:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Ka Doodday Xeerka Dekeddaha Somaliland

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Ka Doodday Xeerka Dekeddaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Ka Doodday Xeerka Dekeddaha Somaliland

Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka doodday Xeerka Dekeddaha oo maalmihii u danbeeyay hor yaallay golahaasi.

Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku kala aragti duwannaa doodda Xeerka Dekeddaha, waxaannay Xildhibaannada qaarkood ay tilmaameen inay habboonayd in la soo hor mariyo Xeerkan Dekeddaha, isla markaanna Xeerkii aagga Cashuuraha ka caaggan la danbaysiiyo, maaddaama Xeerkaas toddobaadkii hore uun la Ansixiyey.
Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyada 2020-ka – HargeisaPress


Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada ayaa ka qayb-qaatay doodda Xeerka Dekeddaha, waxaannu Doodda iyo Ansixinta Xeerkan Dekeddaha ku tilmaamay Faraskii oo laga soo hor mariyay gaadhigii.

"Xeerkan aynu dooddiisa hayno ee la doonnaayo in la Ansixiyo wuxuu ka dhiggan yahay Faraskii oo laga soo horaysiiyay Gaadhigii uu jiiddaayay. Muhiimadda Saddexdan Xeer ayuu Madaxweynuhu innoogu sheegay inay muhiimad wayn u leeyihiin Shaqaalaha, Shaqo abuurka, Maal-gelinta iyo Ganacsiga. Haddaba, Su'aasha aan is waydiinnaayo waxay tahay Shaqo abuurka ma waxa loo samaynayaa bulshadda inta guulaysatay ee Madaxweynuhu odayga u yahay waa sida uu hadalka u dhigaye mise waa Shaqo abuur bulshadda reer Somaliland oo dhammi ay qayb ka yihiin?" Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.

Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa tilmaamay tartankii reerraha la geliyay uu ka dhashay Laba Boqol oo Waddo, kuwaasoo uu sheegay inaan la garanayn xilliga ay dhammaanayaan, isagoo ka hadlaaya Doodda Xeerka Dekeddaha waxa uu yidhi

"Waxa la samaynayaa Dekeddo kale haddii loo baahdo. Dekeddo ayaa imika la carifay oo waxa ku qoran Madaxweynaha ayaa ogollaannaaya in Dekeddo kale la samayn karro. Baahidda Dekeddaha loo qabaanna dariiq loo maro ayay leeddahay, waxaannay u baahan tahay Daraasaddo Cilmi ku dhisan.

Imika waxa innagu dhacay reerihii baa tartan galay oo waxaa hadda socda 200 oo Waddo ama Jid, goor ay dhammaanna la garan maayo, ummadiina ku kacday, dadkiinna isku dirre, markaa Dekeddaha lacaggo badan baa ku baxa, dadkanna yaan la khasaarin, markaa intaan dadka la odhan Deked waa la samaysan karraa, waxa loo baahan yahay in marka hore la abuurro Daraasaddo cilmiyaysan in la sameeyo oo horta la ogaaddo baahidda iyo waxa baahiddu tahay." Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil JIrde

Loading...
Loading...