Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Tukaraq Iyo Ujeedada Safarkiisa

0
Tuesday January 12, 2021 - 12:43:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Tukaraq Iyo Ujeedada Safarkiisa

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Tukaraq Iyo Ujeedada Safarkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore Ee Tukaraq Iyo Ujeedada Safarkiisa


Hargeisa(HWN):-Wefti uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kor meeray qaar ka mida degmooyinka iyo goobaha ay ka socoto diwaangelinta kaadhka codbinta ee gobolka Sool.



Wasiirka iyo waftigiisu deegaanadda ay kormeereen waxaa ka mid ah Tuko-raq, Ganbadha, Hig-lada, iyo deegaano kale.


Wasiirka warfaafinta Somaliland oo laga helay cudurka Coronavirus – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa goobahaasi uu marayay bulshada ku baraarujinaayay in ay is diwaan geliyaan oo qaataan Kaadhka codaynta, wasiirka iyo weftigiisa ayaa sidoo kale kulano la qaatay odayaasha iyo waxgaradka deeganadaasi iyaga soo dhaweeyay weftiga wasiirka sidoo kalena sheegay in ay si weyn uga qayb qaateen wacyigelinta bulshada si ay isu diwaan geliyaan.


Diwaan gelinta Codbixinta ayaa si habsami ah uga socota Degmooyinka iyo deeganada kala duwan ee gobolka Sool, iyada oo ay halkaasi ku suganyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Asxaabta qaranka oo bulshada ku wacyigelinaaya in ay qaataan Kaadhka Codaynta.


Loading...
Loading...