Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Baabi'iyay Xafiiskii Diiwaanka Sakada Ee Siilaanyo Hindisay

0
Tuesday January 12, 2021 - 09:03:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Baabi'iyay Xafiiskii Diiwaanka Sakada Ee Siilaanyo Hindisay

    Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

Hargeysa, (HWN)- Muuse Biixi Cabdi ayaa  baabi’iyay Xafiiskii Diiwaanka Sakada ee ay hindistay xukuumaddii isaga ka horraysay ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xafiiska Diiwaanka Sakada si rasmi ah u hoos geeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay hadda wixii ka dambeeye noqon doonto wax ka mid ah waxaanu Madaxweynuhu hay’addaasi ku baabi’iyey Xeer Madaxweyne oo Nambarkiisu yahay 11/012021.


Xeerkan Madaxweynaha ee Diiwaanka Sakada ku hoos geeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa u dhignaa sidan: "


Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

Xafiiska Diiwaanka Sekada

Markaan Arkay: Qodobada 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada   Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobada 12aad, faqradiisa 7aad ee Dastuurka Jamhuuriyada   Somaliland;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin beeraha iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soosaarka dalaga beeraha;


Markaan Arkay:  Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumada iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr.71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laamaheeda shaqooyinka,


Markaan Arkay; In Sakadu ay tahay qaab maaliyadeed oo cibaado ah, taasoo waajib looga dhigay Muslimiinta, isla markaana ah aasaaska nidaamka dhaqaalaha Islaamka, kana mid ah shanta tiir ee Islaamka.


Waxaan Go’aamiyay;


1) In aan laalo Xeer Madaxweyne Lr. 0460/032015, kuna taariikhaysan 07/03/2015 ee lagu aas-aasay Xafiiska Diiwaanka Sekada.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta Xafiiskii Diiwaanka Sekadu uu noqdo Waax ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

3) In Waaxda Diiwaanka Sekada ee Wasaaradu ay ka masuul noqoto;

  1. a) ku-wacyi gelinta bulshada in Sekadu tahay hannaan maaliyadeed oo Islaami ah, taasi oo ah waajib la xidhiidha in qofku ka bixiyo hantidiisa sannad kasta qadarka sekada ah ee ku waajibay.
  2. b) Ka-guddoomidda qofka bixinaya qaddarka sekada ee ku waajibay.
  3. c) Cayimidda iyo ku dhawaaqidda sannad kasta waqtiga loo qoondeeyay guddoomidda, ururinta, qaybinta iyo maamulka sekada, si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada shacabka.
  4. d) U-qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada, si loo cidhib tiro saboolnimada.
  5. e) Ku-wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada iyo in bixinta sakadu ay daahirinayso, kordhinayso oo barakaynayso hantida qofka muslimka ah.
  6. f) Dhigidda sekada xisaabta Xafiiska ee baanka dhexe ee Somaliland.
  7. g) Hawlaha kale ee Wasiirka Wasaaraddu u xil-saaro.

ALLAA MAHAD LEH

 

Loading...
Loading...