Ma Dhabbaa In Wasiir Hindi Xilka Ku Wayday Sababo La Xidhiidha Saluug Madaxtooyadu Ka Muujisay

0
Monday January 11, 2021 - 14:32:41 in News by
  • Visits: 3657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Wasiir Hindi Xilka Ku Wayday Sababo La Xidhiidha Saluug Madaxtooyadu Ka Muujisay

    Ma Dhabbaa In Wasiir Hindi Xilka Ku Wayday Sababo La Xidhiidha Saluug Madaxtooyadu Ka Muujisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Wasiir Hindi Xilka Ku Wayday Sababo La Xidhiidha Saluug Madaxtooyadu Ka Muujisay


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa wareegto uu soo saaray oo summadeedu ahayd JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Shaqada arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani,taas oo xilkaas haysay muddo saddex-sanno iyo dharaaro ah.

Wasiir Hinda Jaamac Oo Isku Kala Bixisay Shirkii Guddida Wasiirrada Ee Dib U Habeynta Shaqaalaha Dawladda | Qoryaale News


Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa xilka qaadistee markii ay soo baxday Bulshadu siyaabo kale duwan ay qoraalo kale gedisan ugaga falceliyeen qaar soo dhaweeyey oo Madaxweynaha ku boggaadiyey xilka qaadista ex Wasiirad Hinda, halka qaarna ay lahayeen Madaxweynuha muu u kaadiyo iyo may haboonayn in wakhtigan oo kale uu xilka ka qaado iyo wax lamid ah.


Geesta kale Wasiiradda Hinda Gaani ayaa xoggo uu Wargeyska Foore helay waxay ku sababeeyeen xilka qaadisteeda inay ka dhalatay dhawr arrimood oo is barkan, kuwaas oo ay kamid yihiin is maandhaf iyo mad-madow soo kale dhex-galay iyada iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiraddan oo ka gaabisay inay dadka deeganadeeda ku wacyigeliso is- diiwaangelinta codbixinta sida Wasiiradda kale ee la deegaanka ah ay ugu ban-baxeen inay ku wacyigeliyaan diiwaan-gelint Codbixiyayaasha bulshooyinka ku dhaqan Gobolladda Togdheer, Sanaag iyo Sool, iyo saamayn la’aanteeda la xidhiidha xubno badan oo deegaanada ay k asoo jeeddo ah oo xisbiyada Mucaaridka ku biiray.


Dhanka Kalena Wasiiradda Hinda Gaani ayaan ka dhex-muuqan muddooyinkii ugu dambeeyey Wasiiradda Beesha Bariga Burco oo socdaalo la xidhiidha arrimaha wacyigelinta diiwaangelinta Doorashada ku marayey degaanada Gobolladda Todgdheer Sanaag iyo Sool, kuwaas oo bulshada ay ka soo jeedaan ugu baaqayey inay is diiwaangeliyaan, haseyeeshe Wasiirad xilka laga qaaday ayaan marnaba lagu arag fagaarayaasha iyo deegaanka ay ka soo jeedo iyadoo ku waaninaysa inay qataan kaadhka codbixinta.


Waxa kale oo ay xogguhu xuseen in Wasiiradda xilka laga qaaday ee Hinda Jaamac Gaani ay shalay oo axad ah subixii xaadir ku ahayd Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha Bulshada, halka uu gelinkii dambena xilkii ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, marka laga yimaado xoggaah ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxtooyadda oo la xidhiidha sababihii xilka lagaga qaaday Wasiiraddaa.


Loading...
Loading...