Maxay Ka Wada-Hadleen Xasan Sheekh Iyo Deni?

0
Tuesday January 05, 2021 - 09:18:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ka Wada-Hadleen Xasan Sheekh Iyo Deni?

    Labada mas'uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal farabadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada mas'uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal farabadan




Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Xassan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

 

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo weli caqabado ay ku hor gudban yihiin.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal farabadan lagu bixiyo sidii loo qaban lahaa shir xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka si horay loogu socdo.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in ay muhiim tahay in xal waara laga gaaro Arrimaha doorashooyinka maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay mudada xilheynta Madaxda dowladda Soomaaliya.

 

Kulanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kamid yahay kulamada ka socda Magaalada Garoowe oo looga hadlayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.


Loading...
Loading...