Hogaamiyaha Xisbigga Wadajir Oo Ka Hadlay Heshiiska Shidaalka

0
Tuesday January 05, 2021 - 09:08:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xisbigga Wadajir Oo Ka Hadlay Heshiiska Shidaalka

    Heshiiska ayuu sheegay in la doonayo in Shidaalka Soomaaliya gacanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska ayuu sheegay in la doonayo in Shidaalka Soomaaliya gacanta




Iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay heshiisyo la galayso shirkado Shidaalka Qada, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Maadxweynaha Soomaaliya.

 

Waxaa uu eed u jeediyay Dowladda dhexe, isagoo sheegay in Heshiiska ay Dowladdu galayso uusan ahayn heshiis sax ah oo dalka iyo dadka loogu daneynayo, waxaana uu tilmaamay in ay jiran dano gaar ah oo ay wataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda dhexe ee uu hoggaamiye madaxweyne maxamed Cabullaahi Maxamed Farmaajo.

Heshiiska ayuu sheegay in la doonayo in Shidaalka Soomaaliya gacanta loo galiyo labo shirkadood, kuwaasi oo aan lala galeyn heshiis sax ah,waxaana intaas uu ku daray in la doonayo in heshiiska laga helo lacago doorashada lagu galo, waxaana uu u carrabka ku dhuftay sababaha xiligaan kusoo beegay heshiiska, maaddama dalku uu marayo marxalad kala guur ah oo doorasho loo diyaar garoobay.

 

C/raxmaan C/Shakuur ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka loo marayo heshiiska uu yahay mid baal marsan sharciga, waxaana ka maqan sida uu sheegay xubno muhiim u ah in laga tala galiyo heshiisyada noocaan oo kale ah iyo sharciyadii loo mari lahaa oo intooda badan aan wali la ansixin, waxaana uu sheegay intaasi ay tahay mid aan macquul ahayn in sharciyadii muhiimka ahaa oo aan la ansixin ay Dowladdu heshiisyo la gasho Shirkado waa weyn oo ka shaqeyn doona shidaal Qodis ay ka billaabayaan gudaha Soomaaliya,

 

Hadalka CC Shakuur ayaa kusoo aadaya iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay heshiis Shidaal Qodis ah oo ay la galayso labo shirkadood oolagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas, waxaana maanta lagu waday in heshiiskaasi uu ka dhaco Madaxtooyada Soomaaliya, balse dib ayuu u dhacay sida warar hoose ay sheegayaan, waxaana heshiiska walaac ka muujiyay xubnaha Mucaaradka ah, iyagoo sheegay in dowladdu ay doonayso in lacago farabadan ka faa’iiddo heshiiska, lacagahaasi oo loo is ticmaali doono doorashada soo aaddan.


Loading...
Loading...