Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Arrin Khatar Ku Ah Ganacsatadda Yar-Yar Ee Muuska Keenna
Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Arrin Khatar Ku Ah Ganacsatadda Yar-Yar Ee Muuska Keenna
Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa ka hadlay dadka danyarta ah ee xilliyada habbeenkii seexda waddooyinka caasimadda ee ay saameysay dhaxantu.
Xidlhibaan Nacnac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu soo jeediyay in laga caawiyo wax ay dhaxanta ka huwadaan dadka masaakiinta ah ee ku sugan suuqyada magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Nacnac oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi.”Dadkaasi caawimo ayay doonayaan waa in wax loo taro, oo haddaan meel loo sameynayn, in Bustayaal la siiyo ayaa Waajiba.
Waddooyinka Hargeysa kuwa ku xannuunsanaaya ayaa jira, carruur yar yar iyo islaamo Oromo iyo Soomaali isugu jira waana dad Muslima, marka waxaan leeyahay dadkaas hala caawiyo wixii la tari karana hala tarro”.
Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanku soo jeediyay in faraha laga qaado Gaadiidka Muuska ka soo qaaada Wajaale in kooto loogu xidho cid gaara, waa arrin fool-xumo ah oo aan la aqbali karrin.
”Waxaan leeyahay faraha ha laga qaado dadkaa Masaakiinta ah ee agoomuhu ku jiraan ee suuqa Gobanimo Muuska ku iibinaaya, waxaan leeyahay dadkaasi warqad haw soo qortaan golaha Wakiillada, marka meesha waan ku ka saareyna shirkada kootada loogu xidhay in ay Muuska soo qaado”.
Loading...
Loading...