War Deg Deg Ah:-Sucuudiga Iyo Qatar Oo Furay Xuduudaha U Dhaxeeya Iyo Khilaafkoodii Oo Ay Ka Heshiinayaan
Wadamada Qatar iyo Sucuudiga ayaa shaaciyey inay dib u fureen isku socodkoodii dhulka,hawada iyo bada.
Sida ay ku waramayso wakaalada Qatarliving.com, wasiirka arimaha debada ee xukuumada Doha ayaa shaaciyey in labada wadan ee Sucuudiga iyo Qatar ay isku raaceen inay dib u furaan xuduudaha ay wadaagaan ee hawada, Badda iyo dhulka, kuwaas oo isla caawaba si rasmi ah loo dib loogu furay.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in labada wadan ay isku raaceen inay xaliyaan khilaafkii u dhaxeeyey sanadadii ugu dambeeyey.
Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Selmaan ayaa dhankiisa ka hadlay xaalada ka taagnayd khaliijka isaga oo sheegay in shirka soo socdaa uu noqon doono mid loo dhan yahay oo ay ku midoobayaan wadamadii hore khilaafku ugu dhaxeeyey.
Dhinaca kale wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump ee dalka Maraykanku ay maalintii salaasada ee todobaadkii hore saxeexeen heshiis lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhextaagnaa wadamada Khaliijka ee Qatar loogu midoobay.