Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay In Loogu Qabyaaladeeyey Magaalada Hargeysa

0
Monday January 04, 2021 - 15:43:30 in News by
  • Visits: 2279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay In Loogu Qabyaaladeeyey Magaalada Hargeysa

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay In Loogu Qabyaaladeeyey Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay In Loogu Qabyaaladeeyey Magaalada Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in mashruuc cisbitaal casri ah oo laga hirgelin lahaa Magaalada Hargeysa ay horjoogsatay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi hogaamiyaa, waxaanu farta ku fiiqay Wasiir Qambi iyo agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland oo uu dhaliillo xooggan u soo jeediyay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Oo ka jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay iskudegaan,Gole & Xisbi yihiin - News - Wararka - Somali Forum - Somalia Online


Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa sheegay in arrintaas oo uu kala hadlay Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, balse uu ku tilmaamay Xildhibaanka mid aan Hargeysa wax-ba ka ahayn wax-na ka qaban Karin.


Xildhibaanka oo kula hadlay war-baahinta xarunta golaha Wakiillada ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan :-"Waxaan waday mashruuc Maraykan oo uu walaalkay ka shaqaynayey Maxamuud Jaamac Xaamud kaasi oo ah "Manna cleaning Hospital” oo uu ku baxayey $1.5 Milyan dollar hal miyan iyo badh dollar waxaanu doonayay inay niman Maraykan ahi ay dhakhtar noo dhisaan. Weyna noo diyaariyeen dhisaynkii iyo wixii oo dhan laba guri oo halkan ku yaalla oo ay ku jiraa Habar-yartay iyo Gabadh aan abti u ahay ayaanu is lahayn ka dhisa oo ay Dowladdu leedahay, Wasiirkii ayaanu u tagnay wasiirkii wuxuu yidhi waa sheeko saxan waa macquul, haddana wuxuu yidhi markii aan warqadii geynay wey adag tahay in Madaxweynaha laga saxeexo, wax kasta haddii la yidhaah Madaweynaha ha loo doonno saw dalka oo dhami baabi’i maayo, waxani aanu wadnay waa wax Qaranka u dan ahaa 50 qof ayaa shaqo ka heli lahaa mashruucaasi waabu gubtay.”ayuu yidhi Xaamud.


Dhanka kalena Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa sheegay in arrintaas ay ula tageen Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, "Agaasimaha Madaxtooyadda ayaanu u tagnay waxaan ku idhi hawshaas ayaan waday, halkani dhulkaagii ma’aha ayuu igu yidhi ee dhulkaagii waa Xingalool iyo Yubbe, haddeer ayuu yimi isagu meesha anna 1996-kii ayaan imi, waa aqoon darro waa jaahilnimo waa daydaynimo qaabka uu u hadlayaa”. Ayuu yidhi Xildhibaanka oo arrintan layaabka leh ka hadlayay.


Loading...
Loading...