Hargeysa:-Tuug Baabuurta Xadaysa Oo Boolisku Ku Daba Jiro Iyo Kii Ugu Danbeeyey Oo Laga Soo Riday

0
Saturday January 02, 2021 - 13:33:43 in News by
  • Visits: 2372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Tuug Baabuurta Xadaysa Oo Boolisku Ku Daba Jiro Iyo Kii Ugu Danbeeyey Oo Laga Soo Riday

    Hargeysa:-Tuug Baabuurta Xadaysa Oo Boolisku Ku Daba Jiro Iyo Kii Ugu Danbeeyey Oo Laga Soo Riday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa:-Tuug Baabuurta Xadaysa Oo Boolisku Ku Daba Jiro Iyo Kii Ugu Danbeeyey Oo Laga Soo Riday

Hargeysa(HWN):-Ilaa iyo hadda Lama Garanayo, Cida La Baxsatey Baabuurkan ISUZU ah ee Kamid ah, Baabuurta Qaadka Ka Keena Dalka Itoobiya oo Shaley lagala Baxsadey Magaalada Tog-Wajaale Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Gacanta kusoo Dhigay, Kadib Markii ay ka Baxsadeen Tuugtii kaxaystey Baabuurkaasi Meel u Dhaw Tuulada Haleeya, ee Bariga Caasimada Hargeysa.


No description available.


Sida Wararku Sheegayaan, Ciidamadu May Qaban Budhcadii la Baxsatey Baabuurkaasi Maadaama ay ka Baxsadeen, Sida la Sheegay ilaa iyo haddana Majiraan Warar dheeraad ah oo laga hayo Qaabka loo Xadey Baabuurkan, Marka laga tago Macluumaadka Ciidamada Boolisku ku Raad joogaan ee Baadhista ay Waddaan.


Indhawaale Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Waxaa kusoo badanayay Xaditaanka Baabuurta Yaryar, oo aan Wali Maaro Loo Helin olaa iyo haddana inta, la ogyahey Waxa Ka Maqan Dadkii lahaa Laba Baabuur oo Nooca tagsiga ah Ee Loo Yaqaan Indhacadaha, oo Baadidoonkiisu Wakhti badan Qaatay, lamana oga in Dawlladu ka Xoghayso Xaditaanka Baabuurta iyo Cidda Caadaysatay;Wallow Baabuurka ISUZU ga ah Arintiisu aheyd Mid fajac iyo layaab Noqotey, Nabedgalyadana Halis ku aheyd.
Loading...
Loading...