Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiisha Maamulkii La Riday Ee TPLF.

0
Saturday January 02, 2021 - 13:13:02 in News by
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiisha Maamulkii La Riday Ee TPLF.

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiisha Maamulkii La Riday Ee TPLF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiisha Maamulkii La Riday Ee TPLF.


Addis Ababa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay magacyada xubnihii madaxda ka ahaa maamulkii Tigrey-ga ee dhawaan la burburiyey.




Wasaaradda gaashaandhigga ayaa shaacisay liiska xubnaha maamulkii TPLF ee dhawaan lagu burburiyey hawlgal lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga lagu fulinayey.


Madaxa hawl gelinta ciidamada milatariga dawlada federaalka ah ee Itoobiya Brig.Gen Tesfaye Ayalew ayaa kulan uu warbaahinta u qabtay ku sheegay in xubnaha maamulka laga burburiyey uu ku jiro Colonel Yemane Gebremichael oo lagu eedeeyey inuu hogaaminayey xasuuqii ka dhacay deegaanka Mai Kadra iyo wasiirul dawlihii hore ee gaadiidka Mulu Gebregziabher oo lagu qabtay hawl gal ay si wada jir ah u sameeyeen ciidamada booliska iyo milatarigu, isaga oo xusay in tiro ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee maamulkii TPLG lagu qabtay hawl galka laga fuliyey gobolka waqooyiga ee Tigrey.


Madaxa waaxda hawlgelinta ciidamada difaaca Itoobiya Gen Tesfaye Ayalew ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkii diiday inay isku soo dhiibaan ciidanka ee la burburiyey ay madax u saraakiisha ay magacyadoodu kala yihiin.


1. Col. Yemane Gebremichael

2. Col. Alem Gebremedhin

3. Col. Biniam Gebremedhin

4. Col. Ambaye

5. Col. Masho

6. Col. Yirga Seyoum

7. Col. Hadush

8. Col. Atsebha

9. Col. Tesfaye Gebremedhin

10.Col. Yohannes Kalayou

11.Col. Tekleggziabher

12.Lt Col. Berhane Tola iyo afar kornayl oo kale oo ay weheliyaan laba ka mid ah saraakiishii maamulku.


Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamadu ay ku wareegsan yihiin xubno iskugu jira milatariga iyo ciidamada gaarka ah ee maamulkii TPLF.


Sidoo kale Ciidanka difaaca Itoobiya ayey dawladu sheegtay inay hayaan macluumaad sheegaya in hogaamiyeyaasha millatariga ee ka hadhsan kooxda TPLF ay isku qarinayaan hawlo diimeed, masaajidyo iyo godad sida uu shirkiisa jaraa,id ku sheegay madaxa hawl galka Brig.Gen Tesfaye.

Loading...
Loading...