Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sababta aanu u tegin shirkii Garoowe

0
Saturday January 02, 2021 - 10:09:23 in News by
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sababta aanu u tegin shirkii Garoowe

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sababta aanu u tegin shirkii Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sababta aanu u tegin shirkii Garoowe

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb gelaayey dood cilmiyeed ay soo agaasintay hay’adda Xaqdhow oo lagaga hadlayay ‘xorriyatul qowlka iyo xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya’ ayaa wax laga weydiiyey sababta uu uga baaqday shirka ka socda Garoowe.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur


Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Garoowe ay jiraan dad ku filay, muhiimna aynaa ahayn in hal meel la wada aado.

"Garoowe in ku filanaa jirta, muhiim ma aha in dadku hal meel ay wada aadaan, siyaasiyiin isugu jira mucaaradka, kuwa dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada-ba Garoowe intii ku filan waa jirtaa,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay inuu Garoowe uga baaqday sidii uu u waardiyeyn lahaa qaladaadka dowladda ka dhacaya..

"Anagu waxaan rabnaa inaan idinka idinla joogno, oo inla hadalno, oo dowladda aan waardiyeyno, hadii ay xadgudub sameyso aan u sheegno, marka meeshaan inaan joognaan rabnaa oo dowladda isha ku heyno, oo aan laga wada tegin goobta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka Madasha Aragti-wadaaga ee Machadka Heritage oo ka socda magaalada Garoowe, ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo gaba-gabeeyo.

Loading...
Loading...