Saamaynta Uu Ku Yeesha Covid-19 Guurka.

0
Thursday December 03, 2020 - 08:20:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamaynta Uu Ku Yeesha Covid-19 Guurka.

    'Coronavirus Wuxuu Burburiyay Guurkeenna'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'Coronavirus Wuxuu Burburiyay Guurkeenna'

Daafaha dunida - laga soo bilaabo Koofurta Ameerika ilaa Galbeedka Afrika - lammaanihii hore u faraxsanaa ayaa is furaya. Cadaadiska ka dhashay xanuunka safmarka ah ayay dad badan u aaneynayaan, halka qaar kalena ay qabaan inuu ifiyay dhibaatooyin hore oo jiray.



"Waxaan ogaaday intii lagu guda jiray xayiraadda in seygeyga uu lahaa lammaane kale." Reni* ayaa sidaasi ka lahayd telefoonka iyada oo ku sugan gurigeeda ku yaalla Nigeria. Qoyskeeda ayaa cod dheer ku sheekeysanaya qolka ku dheggan, waxaa la maqlayaa dhawaqa maacuunta iyaga oo diyaarinaya casho.


"Waan ku qabsaday arrinta gabadha ku saabsan," ayay tiri, "waxa uu ku jawaabayna waxay ahayd: 'Sidee ayaad telefoonkeyga ugu dhacday?' Isku dhac xun ayaa ka dhashay. Waxaan u maleynayaa inuu doonayo furriin. Ma oga inaan hadda adiga kula hadlayo, taasina waa sababta aanan u muujin karin wejigeyga dhabta ah."


Markalaga hadlo guryaha ku yaalla dhammaan daafaha dunida, qaar badan oo naga mid ah waxaan dareennay culeyska uu u keenay xiriirkeenna. Marka laga soo tago inaad isku qabato daryeelka carruurta, howlaha guriga iyo shaqada, inaad ka walwasho caafimaadka, dhaqaalaha iyo xaaladda dunida, xasaradda Covid-19 ee caalamka waxay qaar badan oo naga mid ah sidoo kale badday dhibaato ay kala kulmeen guryahooda dhexdooda.


Dadka qaar sida Reni, xayiraadaha iyo guri joogista waxay uga dhigneyd ka war helidda arrimo sir ah - iyo maarreynta isku dhacyada ka dhashay.


Xanuunka safmarka ah waxba muusan dhaafin

Tirada lammaanayaasha raadinaya la talin dhanka xiriirka ah ayaa kordhay inta lagu guda jiro xayiraadda.

"Caadi ahaan inta badan macaamiisheyda waa shakhsiyaad," ayay tiri Dr Rebecca Pender Baum. "Tan iyo intii ay bilowdeen xayiraadaha waxaa jira isbeddel muuqda, inta badan codsiyada waxay ka imaanayeen lammaanayaasha."


Dr Marni Feuerman, oo dhaqtar cilmu-nafsiga ah kuna sugan Florida, ayaa sheegtay in toddobaadyadii ugu horreeyay ee xayiraadaha, ay sidoo kale aragtay codsiyo badan oo ka imaanaya lammaanayaasha.


"Waxa ugu weyn ee aan ka maqlo lammaanayaasha waa sida loo kala qeybsanayo shaqada guriga," ayay tiri. "Dadku waxay isku dayayaan inay shaqeeyaan sidoo kalena ay daryeelaan carruurta - wax walba buuq ayaa ka dhashay."


Arrintani waxaa ku waafaqay Richard Cunha Schmidt, oo 41 jir ah, iyo Rafaela Carolina Ferreira Schmidt, oo 31 jir ah, kuna nool Florianopolis, koofurta Brazil. Waxay kala tageen bishii hore, iyaga oo sheegay in xayiraadda ay sabab u ahayd.


"Inta badan, waxay ahayd 12 sano oo aan si qurux badan u wada qaadannay," ayay tiri Rafaela oo arrimaha bulshada ka shaqeysa. "Balse xanuunka safmarka ah waxba ma uusan cafin. Wuxuu soo daaha ka qaaday in xiriir 24 saacadood socda iyo labo carruur ah iyo hal xafiis oo guriga noogu yaalla…in waxyaabo badan aysan caadi ahayn."


"Waxaa waqtiyada qaar jiray caro iyo is af garan waa, amaba in xaaladda uu qofba qofka kale u adeegsado. Waxaan dareemay in," ayay intaas ku dartay. "Arrimaha la xiriira xirashada maaskarada wejiga, in guriga lagu soo laabto, la iska bixiyo dharka oo l qubeysto, dhammaan waxaan u qaatay si dhab ah. Fekerkiisa taas way ka duwaneyd. Waxaan u maleynayaa hadda waa wax lagu qoslo, balse xilligaas aad baan isugu dhacnay"


"Waxaan bilownay inaan waxyaabo isku dagaalno. Waxyaabo aan micno lahayn," ayuu yiri Richard. "Xayiraaddu aad ayay u adkeyd, kama aynaan bixi karin guriga, xitaa ma aynaan soo qaadan karin hawo. Waxaana filayaa in markii hore aanan aqbalin dhammaan arrimahan."


Tiiraanyo ka dhalatay xayiraadda

Ra`yi ururin ay bishii April sameysay hay`adda Relate ee dalka UK ayaa lagu ogaaday in ku dhowaad kala bar dadka dareemay xayiraadda ay cadaadis dheeraad ah saareen xiriirkooda. Iyadoo qaar kale ay xamili waayeen lammaanahooda, haweenka ayaa u badan dadka sidaas sheegay.


Hay`adda ayaa sheegtay in dadka qaar ay dareemeen inay u baahan yihiin inay soo afjaraan xiiirkooda, waxaase jira dad uu isku soo dhoweeyay.


Reni, waxay la tahay in xayiraadda ay daaha ka qaadday xaqiiqda ku saabsan guurkeeda. Waxay sheegtay inay caadi ahaan ku mashquuli jirtay dabeecadda aan caadiga ahayn ee uu la soo baxay seygeeda, taas oo sababtay inay eegto telefoonkiisa.


Balse markii ay arrintaas ogaatay kaddib, furriinku ma uusan ahayn wax ay durba dooneysay. "Waxaan wici jiray waaliddiinteyda waana ooyi jiray. Balse waaliddiinteydu waa Kirishtaan, ma aaminsana furriinka. Waxay ii sheegeen inaysan wax dhib ah lahayn waxa uu ninkeygu sameynayo.


"Ma jeclahay? Ma hubo. Waxaan uun rajeynyaa inuusan gabadhaas la sii hadlin. Balse waxaan ku faraxsanahay inaan ogaaday, waxay isiisay degganaansho maskaxeed oo ku saabsan in khaladka aanan aniga lahayn."

 

Qodobbo wax ka tari kara xiriirka inta ay xayiraaddu socoto

Kate Moyle, oo ku takhasustay cilmu nafsiga, ayaa sheegeysa:


  • Inta lagu jiro xayiraadda, dhaqamada lammaanaheenna way na dhibaan waxayna noqon karaan kuwo muuqda. machadka Gottman Institute ayaa soo jeedinaya in la isku dayo in laga fogaado cambaareynta iyo eedeynta lammaanahaaga isla markaana "Aniga" aad u adeegsato hadalladaada, sida "waxaan dareemayaa", "dareemahaygu waa", intii aad dhihi lahayd "sidan ayaad sameysaa, waxaad i dareensiisaa".

  • Lammaane badan ayaa sheegaya inay waqtigooda oo dhan isla qaateen- balse keliya qeyb yar oo taas ka mid ah ay ahayd waqti wanaagsan. Waa muhiim in waqti fiican la wada qaato lammaane ahaan, balse hubiya inaad waqti idiin gaar ah kala qaadataan xitaa gudaha guriga.

  • Runtii xilligan way adag tahay in la wajaho kala tag. Haddii aad wajahayso, waa muhiim inaad la hadasho qoyska iyo saaxiibbada si ay kuu caawiyaan, isla markaana aad isku daydo inaad is daryeesho adiga oo sameynaya waxyaabaha sababaya inaad wanaag u dareento naftaada.

*Qaar ka mid ah magacyada waa la beddelay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...