Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay shacab dagaal la galay Al-Shabaab

0
Wednesday December 02, 2020 - 10:18:15 in News by A. Asbaro
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay shacab dagaal la galay Al-Shabaab

    Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay shacab dagaal la galay Al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay shacab dagaal la galay Al-Shabaab

MUQDISHO(HWN):-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug, kuwaasi oo shalay dagaal la galay maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalka yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay markii hore weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee degaankaas ku yaalla, kadibna ay galeen magaalada Bacaadweyne. Dadka degaanka oo is abaabulay ayaa la sheegay inay markaas kadib weerar rogaal celis ah ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay VOA u sheegeen ilo degaanka ah.


Osman Dubbe

"Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in Shabaabka laga dilay 51 qof, lagana qabtay lix (6). VOA si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay caddaaladda horgeyneyso "horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi” si waafaqsan shuruucda dalka.


Xigasho:-VOA

Loading...
Loading...