Somaliland Waxay Ku Jiri Kartaa Sharciga Oo La Ilaaliyo Iyo Xuquuqda Muwaadinka Oo La Dhawro...W/Q Musharax Maxamed Dhimbiil

0
Tuesday December 01, 2020 - 23:51:35 in Articles by
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Waxay Ku Jiri Kartaa Sharciga Oo La Ilaaliyo Iyo Xuquuqda Muwaadinka Oo La Dhawro...W/Q Musharax Maxamed Dhimbiil

    Somaliland Waxay Ku Jiri Kartaa Sharciga Oo La Ilaaliyo Iyo Xuquuqda Muwaadinka Oo La Dhawro...W/Q Musharax Maxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Waxay Ku Jiri Kartaa Sharciga Oo La Ilaaliyo Iyo Xuquuqda Muwaadinka Oo La Dhawro...W/Q Musharax Maxamed Dhimbiil


Xeerka No 14 waxa la ii xaqiijiyey in uu wax ka bedelkiisu ku jiro ajandaha Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee kal fadhigan hada bilaabmay.

Image may contain: 1 person


Waxyaabaha laga badelayo iyo sababaha wax looga badelayaa aniga waxa ay ila yihiin in ay noqon karaan ;

1- In la rabo doorashada Golaha Deegaanka iyo wakiilada hadii mar lawada qabanayo in ururadii siyaasada na la furo oo la raaciyo doorashada la filayo 2021.

2- In lagu darayo in axsaabta qaranka mudo kordhin loo sameeyo oo aanu hore shuruucda dalku u sheegin iyo cida u sameyn doonta .

3- In meesha gabi ahaanba laga saarayo furistii ururada siyaasada Somaliland ee 10 kii sanadood ba mar ahayd oo loogu talogalay muwaadiniinta Somaliland ee aan sadexda xisbi ku qancin fursad uu sharciga dalku siiyey iyo xuquuq siyaasadeed oo muwaadiniinta leeyihiin.

Haddaba hadii ay noqoto in ay ta koowaad dhacdo , waxa aan qabaa in ay tahay fursad wanaagsan oo dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland heleen isla markaana timid xiligii loogu baahida badnaa.

Hadii ay ta labaad noqotona waxa dhacaysa in ay noqoto sida qodobada 42naad iyo 83naad ee dastuurka ee siyaabaha qaldan loo adeegsado iyada oo qiil laga dhiganayo in aanay doorasho dhacayn.

Ta sadexaad hadii ay dhacdo , waxa aan u sheegayaa shacabka jamhuuriyada Somaliland in dalku u xuub siibtay nidaam kalitalis ah , sharcigii iyo xuquuqihii muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland na halkaasi lagu laabay waxii dambena halka Somaliland ku dambayso la arki doono.

SOO JEEDIN

Waxa aanu u soo jeedinaynaa hay'adaha xeer dejinta dalka , Madaxwaynaha talada haya iyo guud ahaan sadexda xisbi qaran in ay ka feejignaadaan in ay sharciga dantooda ugu adeegtaan sida ay rabaana u dhigtaan.

Waxa aanu ugu baaqeynaa dadka jecel Somaliland iyo mustaqbalkeegu in ay arinkani ka hadlaan la isagana yimaado oo cod mideysan lagaga hortago iyada oo kor loo dhawaaqayo.

Waxa aanu ugu baaqeynaa shacabka jamhuuriyada Somaliland in ay ilaashadaan dalkooda iyo xuquuqahooga oo uu dalku u muuqdo in maalinba mid la qaadayo, taasina ay sababi doonto nidaam kalitalisnimo oo laga dhaxlo burbur.

Muxamed Dhimbiil


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...