'' Nuxurka Taaladda Diyaaradda ''.
Waxaan ahaa 5 jir ku
dhashay nabad iyo nolol xasiloon , waxaanan ku jirey nolol caruurnimo oo
qurxoon markii aan noqday qaxoonti ka barakacay deegeenkii uu ku noolaa .
30 Malmood ayay
maalin walba diyaarad dagaal oo uu ku sawiran yahay calankii wadankaygu , wado
bayloodkii wadankaygu kana soo duushey magaaladdii aan ka qaxay igu duqaynaysay
isla duleedka magaaladii aan ka qaxey .
Waxaan si degdega u galay nolol cabsi iyo argagax leh , shaadhka cad ha xidhan , shaadhka cas ha xidhan , shaadhka madow ha xidhan diyaaradaa ina arkaysee , cirka ha eegin diyaaradaa ina arkaysee , xoolaha nooli yaanay inoo soo dhawaanin diyaaradaa ina arkaysee ayaa maalin walba la igu waanin jirey , cabsidii aan la kulmay 30 sanno ka horna weli saamayn bay igu leedahay .
Sidaa darteed ,
taaladda diyaaradani maaha mid u taagan cadaawad , maaha mid ka turjumaysa
xumaan mana aha mid iska horkeenaysa Umadda Soomaaliyeed , hassa yeeshee waa
mid u taagan ku cirbo qaadasho , digniig ka wantoow ay tahay in laga waantoobo
in aan xukuumad dambe oo Soomaaliyeed dadkeedda u qaadanin xabad , in aan
dawlad dambe oo Soomaaliyeed aanay duqyanin magaalo soomaaliyeed , in aan
Baylood dambe oo Soomaaliyeed aanu garaacin magaalo iyo maato Soomaaliyeed .
Nuxurka taaladani u
taagan tahayna waa in aan Madaxwayne Jabuuti duqaynin shacabka jabuuti , waa in
aan madaxwaynaha Jigjigi duqaynin shacabka dawlad deegaanka soomaaliyeed , waa
in aan Madaxwayne Somaliland ihi laynin shacabka Somaliland , waa in aan
Madaxwayne Soomaaliya gumaadin shacabka Soomaaliyeed .
Ugu dambayn taaladdu waxay ina xasuusinaysaa xasuusta tallo xumo ka timi xukuumad soomaaliyeed , waxaanay u taagan tahay digniinta tallo xumo dambe oo xukuumad soomaaliyeed .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!