XOG WADAAG: Waddaniyad Iyo Muwaadinnimo
▪Si loo xoojiyo
fahanka xuquuqaha Dastuuriga ah, dhiirigalinta hannaanka talo wadaagga ama
dimuqraadiyadda, waddaniyadda, waajibaadka muwaadinka ama dalka iyo ahmiyadda
xuquuqal insaanka. Muwaadin ma is waydiisay sida aynnu dal ahaan ugu baahan nahay yeelashada ama aas-aaska xarun
qaabilsan Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda "Center for Constitution
and Civic Education"?.
▪Sidoo kale, muwaadin weligaa marna ma ka fekertay ahmiyadda kor u qaadista maan-galka muwaadinnimo ee dhallinyaradu kaalinta ay ka qaadan karto horumarinta bulshonimo, dhaqan-dhaqaale iyo xaqa siyaasiga ah?.
▪Run ahaantii,
waydiimahan kor ku xusan iyo kuwo kale ba waxa si maan-furnaan ah isku
waydiisay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland oo ku hawlan kobcinta iyo horumarinta barnaamjijyada Barashada
Dastuurka Iyo Wacyi-galinta Waddaniyadda "Constitution and Civic Education
Awareness Raising Program".
▪Haddaba, kaddib
markii khubaro Wasaaradda ka tirsani ay
jawaab waafi ah u heleen waydiimaha sare ku sheegan, waxay Wasaaraddu dejisay
qorshaha Aas-aaska Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda " Center
for Constitution and Civic Education". Iyada oo loo ballaysimay qabashada
xafladda Daah-furka Xaruntan badhtamaha Bisha December ee sannadkan 2020. Halka
la qorsheeyey in ay si buuxda hawlaheeda shaqo u bilawdo horraanta sannadka
2021.
▪Dhinaca kale, Aas-aaska Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda "Center for Constitution and Civic Education", ayaa dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland dhaxal-siinaysa in ay bartaan ama fahmaan, qodobada kala ah:
1. Dastuurka iyo Waddaniyadda,
2. Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada,
3. Xuquuqal Insaanka iyo is xaq-dhawrka,
4. Isla Xiaaabta, Daah-furnaanta iyo Doorka Bulshada ku leedahay,
5. Ka Qayb-qaadashada, iyo u Dhannaanshaha Arrimaha Siyaasadda, xaqa Cod-bixinta Iyo Metelaadda Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland,
6.Waajibaadka Muwaadinka iyo Xaqa Dalka,
7. Ku Dhaqanka Sharciga Iyo Sarreynta Dastuurka,
8. Fahanka Hannaanka Siyaasadda iyo Doorka Xisbiyada Badan,
9. Iwm.
▪Ugu danbeyntii, Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda "Center for Constitution and Civic Education", marka dhawaan si rasmi ah loo furo, waxay si hufan oo hagar la'aan ah ula shaqeyn doontaa Laamaha Dawladda "Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Madaxbannaan", Jaamacadaha Dalka, Ururada Saxaafadda, Ururada Bulshada, Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay. Iyada oo tababarro muddo kooban socda siin doonta shaqaalaha Dawladda, Ardayda Jaamacadaha Dalka, Qaybaha Bulshada "Dhallinyarada, Haweenka, Iyo Odayaasha", Adeegeyaaha Sharciga, iwm. Waxaana la diyaariyay labo fasal waxbarasho oo qalabaysan, hal xafiis maamul, xarun akhris, agab waxbarsho iyo hawl-wadeenada xarunta.
Akhris Wacan.
Jamal A. Muse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!