Dowlad Golaheeda Wasiirada Dhammaan Ay Haween Yihiin

0
Thursday November 26, 2020 - 08:16:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Golaheeda Wasiirada Dhammaan Ay Haween Yihiin

    "Ma diyaarin wixii aan wariyayaasha u sheegi lahaa,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma diyaarin wixii aan wariyayaasha u sheegi lahaa,"

Waxaa indhaha caalamka ay eegayaan rai'sul wasaaraha dalka Finland oo ah hoggaamiyaha isbeheysi siyaasadeed ka kooban dumar oo keli ah, taa oo hadda muddo sanad ah hoggaamineysa waddankaas.

Waxaa haweenkaas oo dhan lagu ammaanay daganaantooda iyo hoggaanka wanaagsan ee la dagaallanka fayriska Corona.



Ra'iisul wasaaraha Finland, Wakhti uma hayso hadal maalaa-yacni ah, balse waxay noqonaysaa toddobaadkii ugu horeeyay ee ay shaqada ku soo laabato ka dib markii ay aroos gashay.


Fasaxa yare ayey ka qaadatay shaqada, ka dib arooskii la yaabka lahaa ee ay gashay bishii August, xilli uu caalamka fara ba'an ku hayay fayriska Corona.


Sanna Marin, waxay barteeda Instagram soo dhigtay sawirka iyada oo xiran dharka arooska, waxayna wada aqal galeen Markus Raikkonen, oo horey ciyaartooy u ahaan jiray, muddo dheerna ay saaxibo ahaayeen.

Waxa ay horey asxaabteeda ula wadaagtay sawiro iyada oo naas-nuujinaysa gabadheeda Emma.


Lamaanahan ayaa la arkayay iyaga oo is-barbar taagan oo gacmaha is haysta, wayna dhoollacadeynayeen. Waxay taaganaayeen goobta lagu magacaabo Keseranta, oo ah guriga ay ka deggan tahay magaalada Helsinki, meel u dhaw badda Baltic.


Waxaa sawiradan si wayn u baahiyay weriyeyaaasha wax ka qora siyaasadda iyo kuwa wax ka qora xayiisiinada dharka.


Tiro wariyayaal ah ayaa afaafka hore ee madaxtoyada ku sugaya halkaasi oo xubnaha dowladda isbahysiga ay ku kulmi doonaan.


"Ma diyaarin wixii aan wariyayaasha u sheegi lahaa," ayay tiri Sanna Marin oo saxafiyiinta hortaagneyd. "Dhammaantood su'aalo ha waydiiyaan, si daacadnimo ah ayaan dhammana uga jawaabi doonaa."

Waxaa toddobaadkan jiro doona su'aala badan oo la waydiin doono kuwaas oo ku saabsan noolashaada gaarka ah?


"Maya, waxay doonayaan in arrimo ay wax badan ka ogaadaan, waxyaabo badan ayaa socday," ayay si adag ugu jawaabtay. "Waxaa laga yaabaa in qeybaha dambe ay i waydiiyaan."


Waxay dhammaan wariyayaasha indhaha ku hayaan socodkeeda marka ay goobtii ay ku sugnayd ka soo baxaysay.


Waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee shirka yimaadda, wayna ku saxneyd- maadaama ay warbaahinta dalka Finland ay waydiinayaan su'aalo gaar ah.


Afar saacadood ka dib, markii uu kulanka golaha wasiirada dhamaaday waxay soo istaagtay dibadda si ay warbaahinta ula hadasho.


Waxay mar labaad noqotay qofkii ugu dambeeyay ee goobtaasi shirka uu ka dhacayay ka taga.

Sawirkii ugu horreeyay ee baraha bulshada qabsaday waxaa Sanna Marin laga qaaday in ka badan 200 maalmood ka hor, bishii December 2019, maalintii ugu horreysay ee ay xilka la wareegtay.


Waxay noqotay rai'sul wasaarihii ugu da'da yaraa ee Finland soo mara, waxay markaasi jirtay 34-sano, Ms Sanna Marin ayaana iyada dhoola cadeynaysa waxaa laga qaaday sawir iyada oo barbar taagan siyaasiyiinta kale ee hogaamin doona dowladeeda isbahaysiga ah ee xisbigeeda bidix dhexe.


Dhammaan golaha dowladeeda waxay ahaayeen haween.

Markii sawirkaas la soo saarayay hal hogaamiye oo kale ah ayaa ka waynaa da'da 34 sano.

Iyada oo barbar-taagan golaheeda wasiirada, waxay wariyeyaasha u sheegtay in ay mataleyso jiilka da'yarta ayna soo dhaweynayso in arrintan ay so jiidato dareenka warbaahinta caalamiga ah.


Fursad ayay ii ahayd inaan caalamka tusno "cidda aan nahay haddii aan reer Filand nahay".

Warbaahinta caalamiga ah waxay si wayn wax uga qoreen dowladda Finland ee ay hoggaamiso Sanna Marin.

Cinwaanada laga qoray markii uu soo baxay sawirka xukuumadda Finland ee wada dumarka ah, wxaa ka mid ahaa:


  • "U ololeynta dumarka ayaa ka hirgashay dalka Filand".
  • "Baarlamaanka Finland: bilaabidda wax cusub oo ku saabsan sinaanta jinsiga".
  • "Xukunka dumarka, waa wax aan sugeynay".

Dalka Finland ayaa waligii caan ku ahaa in dumarka ay kaalin ku yeeshaan talada dalkaasi iyo in dumarka ay helaan xuquuq la mid ah tan ragga.


Sannaddii 1906, waxaa uu dalkaasi noqday wadankii ugu horreeyay caalamka ee dumarka siiya xaqqa codeynta iyo inay ka mid noqon karaan baarlamaanka, taasi oo aan xilligaas ka dhaqan gelin inta badan wadamada reer galbeedka, illaa laga soo gaarayay waxii ka dambeeyay dagaalkii kobaad ee aduunka.


Sannadkii xigay, waxaa baarlamaanka Finland loo doortay inay ka mid noqdaan 19 haween ah.

Sannadkii 2000, dadka reer Finland waxay u doorteen madaxwaynihii ugu horeeyay ee dumar ah, Tarja Halonen.

Waxaa taasi xigay in Anneli Jaatteenmaki ay noqotay rai'sul wasaarihii ugu horeeyay, sannaddii 2003.


Sannadkii 2019, Marin Iyana waxay noqotay ra'sul wasaarihii labaad ee dumar ah waana qofkii ugu da'da yaraa ee jagadaasi qabta.


Sanna Marin ayaa BBC ay u aqoonsatay haweeneyda ugu dhiirigalinta badan uguna saameynta badan sannadkan 2020.


Waxaa imika laga joogaa muddo saddex bilod ah marki hay'adda WHO ay 11 March, ku dhawaaqday in fayriska Corona uu yahay cudur saf-mar ah.


Balse Marin iyo golaheeda wasiirada waxay u sii diyaar garoobeen sidii looga jawaabi lahaa halista Covid-19, marka uu dalkaas gaaro.


16 bishii March, Finland waxay dowladda qaaday tallaabooyiin looga hortagay cudurka saf-marka ee Corona ee faraha ba'an ku hayay meelo badan oo caalamka ka mid ah.


Dalka Finland, oo shacabka ku nool ay tira ahaan dhan yihiin 5.5 milyan, waxaa fayrsika Corona u dhintay 370, taasi oo micnaheedu tahay in 1 milyan-ba ay 60 ka dhimatay.


Dadka fayriska ugu dhintay Britain ayaa 10 jibaar ka badan kuwa ugu dhintay Finland.

Xilligii ay soo qaan-gaartay Ms Marin ma aysan xitaa ku fikiri jirin in iyada, seygeeda iyo gabadhooda Emma ay ku noolaan doonaan Keseranta .


"Siyaasiyiinta iyo siyaasadda waxay u muuqdeen kuwa aad nooga fog. Labo aduun ayaan ku kala nooleyn", ayay tiri.


"Si la mid ah qoysaska kale ee reer Filand, qoyskeena waxay hayaan sheekooyiin badan oo murugo leh," waxay sidaasi ku qortay 2016 bog ay internet-ka ku leedahay.


Waxay ra'iisul awsaaraha ku kortay magaalo yar oo ku taalla Koonfur Galbeed dalkaasi taasi oo lagu magacaabo Pirkkala.


Hamigeeda dhanka siyaasadda waxaa uu soo bilaabmay markii ay jirtay da'da 20 sano, markaasi oo ay ku fikirtay in noolasheeda iyo midda dadka la nool ay wax ka badali karto.


Dhanka waxqabadka bishii April, rai'sul wasaare Marin iyo qaabkii ay ula tacaashay fayriska Corona aya waxaa lagu tilmaamay in ay ku guuleystay boqolkiiba 85%


Balse waxaa jira cambaareyn ay la kulmayso dowladda dalkaasi Finland taasi oo ku aadan dhanka sinaanta dad-yawga kala duwan.


Xilligii ay socdeen dibadbaxyadii loogu magacdaray global Black Lives Matter, qaar ka mid ah dadka madowga ah ee reer Filand, waxay baraha bulshada ku baahiyeen qoraalo ay ku sheegayaan in aysan dowladda Finland eegin sinaanta dhanka midabka.


Warbixin ay sannaddii 2019-kii soo saareen guddiga midowga Yurub ayaa lagu xusay in 63% dadka asalkoodu yahay Madowga ay si joogta ah ula kulmaan dhibaateyn iyo cunsuriyad ka taagan Finland taasi oo ah tirada ugu sareysa ee dalalka Yurub.


Waxaa hadda baarlamanka Finland ku mid ah hal gabadh oo madow ah.

Maria Ohisalo, oo 35 sano jir ah ayaa sheegtay in ay ku raacsan tahay dadka sheegaya in dowladda ay tahay in ay wax badan ka qabato kala duwanaashiyaha noolshada bulshada.

 

BBC

Loading...
Loading...