Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo weerar afka ah ku qaaday musharixiinta shireysa

0
Thursday November 26, 2020 - 08:13:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo weerar afka ah ku qaaday musharixiinta shireysa

    Madaweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca


Lafta Gareen oo weerar ku qaaday musharraxiinta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka & doorashooyinka.

 

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa weerar afka ah ku qaaday musharraxiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn inay wax weliba ka eegaan dhanka xumaanta.

 

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inay dib u eegaan wixii ay horey u soo sameeyeen, si ay u ogaadaan xaqiiqada jirta, sida uu hadalka u dhigay.

Madaweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay ku qanacsan yihiin guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

"Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta Gareen.

 

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay madaxdA maamul goboleedyadu ay doorashada ka yihiin dhex-dhexaad, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka & danaha dalka.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dood adag ay ka taagan tahay dhismaha guddiyada doorashooyinka oo ay cabasho ka keeneen midowga musharraxiinta dalka.


Loading...
Loading...