Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Faragelin Caalami Ah Oo Dalkiisa Lagu Sameeyo

0
Wednesday November 25, 2020 - 14:29:32 in News by
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Faragelin Caalami Ah Oo Dalkiisa Lagu Sameeyo

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Faragelin Caalami Ah Oo Dalkiisa Lagu Sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Faragelin Caalami Ah Oo Dalkiisa Lagu Sameeyo


Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inaanay isku dayin "Tallaabooyin aan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda.




Hadalkan ayaa imaanaya ” xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabbad joojin la doonayo in looga faa’ideeyo in gargaar banii’aadanimo loo gaadhsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka inay Xukuumaddiisa ka caawiyaan xalinta xaallada gobolka Tigray, hase yeeshee aanay ku xad-gudbin arrimo kale.
"Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.


Abiy ayaa dhowr jeer ku gacansaydhay baaqyo uga yimi beesha caalamka oo lagu dejinayo xaalada sii murgaysa ee ka taagan gobolka Tigray, halkaasoo ay maalintii 21 ku dagaalamayaan Ciidamada Dawladda iyo kuwa Maamulka Tigray.


Geesta kale hogaamiyeyaasha Maamulka gobolka Tigrayga ee la go’doomiyey, ayaa gaashaanka ku dhuftay dalab uga yimi Xafiiska Reysalwasaare Abiy oo ahaa in ay 72 saacadood isku soo dhiibaan.

Loading...
Loading...