'' Madaxwayne, Weli Warkaan Sugayay Kaama Hayo ''.
Harta sheekh ilaa Gaashaamo waa 700 km , waxaa ku yaala magaalooyinka ugu
waawayn dawlad deegaanka sidda , Harta sheekh , Wajaale , Xarshin , Laan-qayrta
, Abokor , Rabaso , Daroor ,Gaashaamo iyo qaar kaloo badan .
Dhulkaas marka dhan walba marka lagga fuudhiyo noqonaya 1000 Km , tusaale , Bali-dhiig ilaa Wajaale
Booda-dheer ilaa Qabri Bayax , waa deegaan lagu qiyaasi karro sadexmeelood meel dhulka Dawlad deegaanka Soomaalidda .
Sidaas oo ay tahay , waayadii xayle salaase iyo Mingaste oo dadyowgaasi ahaayeen kuwii siday laambadda midayntii Soomaali wayn lagama dhigin gobol waxaana haystay cadaadis xoogle maadama ay yihin meelaha ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya .
Waayadii Dawladda deegaanka la dhisay na gobol lagama dhigin , waxaana mar walba gobol loo magacaabayay meelo si kasta deegaankani ugaga haboon yahay .
Sidaa darteed , 1000 km oo aan gobol lahayni , Cadaalad maaha , xeer maaha , Soomaalinimo maaha , dawladnimana maaha , inta Madaxwayen gobolkaas warkiisu isoo gaadhayana anigu warkii aan ka filayay kaama hayo soo dhawayntaadana kobtan baan ka wadaa soo dhawoow gobolkana soo daa .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!