Qabyaaladii Shaqaysee, Qarameeya Bahashoo,Yaan Lays Qiyaamayn.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.[A.S.C.W.R.W.B].
TU KHAAS AHNA BAHDA B/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-QABYALADII SHAQAYSEE,QIYAMADA KA DAAYOO,
QARAMEEYA BAHASHO,QORSHAYASHA GELIYOO,
QAYB DISTOORA WEEYE,QARSOODIGA KA SAARO,
QUDHMUUNKEEDA YEELKE,QORAAL NOOGU MEELE.
2-QAYDHIN LABA KU QAYBSADAY,ISMA QUUDAREYAAN,
QURUS KALE MA HELAYSIDE,QAWADOW BILAASHKAA,
QORKIISII QOFKII CUNAY,QANCINEE MID KALE RABAY,
QAYBTAA KU QABANO,QASAB BAANAY KUGU NOQON.
3-QURUXDEEDU QAADHAAN,AAN QAARKII BANANAYN,
QOON IYO MAGUUN QAAD,QIIMAHEEDU DHIIG KEEN,
QARANIMO DHANTAALAY,QAYQAYB KA KALA DHIGA,
QANSAXIYO GALOOLIYO,QOONBA MAGAC U BIXIYAY.
4-QOORTAA LAGU SITAAYO,QASAARANA LAGU QABAA,
QARSADAAY QANDHADA IYO XANUUNKA,QANJIDHKII,
QUFACIYO QABIILKEE,QALOOCUUN WARAABINAAYEY,
QALAJAA QARANKU HELOO,QAYRKOODU KA REEBAYA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!