Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Ku Socda Tigreeyga

0
Wednesday November 18, 2020 - 15:23:36 in News by
  • Visits: 2372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Ku Socda Tigreeyga

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Ku Socda Tigreeyga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Ku Socda Tigreeyga


Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya qeybo kamid ah waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka ee dowlada Itoobiya iyo ciidamo kale oo daacad u ah xisbiga maamulada Ismaamulka Tigrey.



Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigrey ku dhaw yahay gabo gabo, waxa uuna cadeeyay in maalmaha soo socda lasoo afjari doono howlgalka socda.

Ethiopia's PM Abiy Ahmed loses his shine – POLITICO

"Qeybihii ugu dambeeyay ee howlgalka ciidamada xoojinaya sharciga ayaa ka socda gobolka Tigrey, waxaana la soo afjari doonaa howlgalkan maalmaha soo socda,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Abiy.


Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa u mahad celiyay dagaalyahanada taabacsanaa xisbiga TPLF ee isa soo dhiibay kana faa’iideestay cafiska dowlada, mana sheegin Abiy tirada dagaalyahanada isa soo dhiibtay.


Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahanada TPLF ayaa kusii faafaya goobo hor leh, waxa ayna saraakiisha Tigrey sheegeen in ciidamada duqeeyeen goobo shacab oo kuyaala magaalada Makelle ee caasimada Tigrey.


Loading...
Loading...