Halkee Ayey Ciyaarta Kubada-Cagtu Ka Soo Bilaabantay.....Yaase Hindisay?!!

0
Wednesday November 18, 2020 - 09:34:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ayey Ciyaarta Kubada-Cagtu Ka Soo Bilaabantay.....Yaase Hindisay?!!

    Osman Abdillahi Sool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Osman Abdillahi Sool.
Dadka Taariikhda Baadhaa badankoodu Waxay isku raacsan yihiin in ciyaarta K/Cagta ee dunida laga ciyaaro uu bilaabay boqor u dhashay dalka Shiinaha oo la odhan jiray Haung-Ti, isaga oo u sameeyay sharciyo kooban oo la xidhiidhayey habsami u socodsiinta Ciyaarta. Qiyaastiina waxaa la sheegaa inay ka soo wareegtay afar kun iyo dhowr iyo labaatan sano markii uu Ciyaartaasi alifay. Waxaa jira dad qaba in ciyaarta Kubadda Cagtu ay ka soo bilaabatay jasiiradaha Badda Koonfureed ee (South Sea Islands).Taariikh yahanada badankood gaar ahaan kuwa baadha taariikhaha duugoobay iyo waxyaabaha ka hadhay ee loo yaqaano "Archeologists" waxay sheegeen in Afrikada Tropical-ka lagu ciyaari jiray ciyaar u eg Kubadda Cagta.



Waxaa jira taariikh yahano kale oo iyaguna tilmaamaya in K/Cagta ciyaarteedu ay bilaabeen Masaaridii hore, Giriigii iyo Roomaaniyiintii intuba.


Hase yeeshee taariikh yahanada Ingiriiska ka soo jeeda waxay ku adkaysteen in ciyaartii ugu horaysay ee Kubad cagta ee tartan ahaan loo qabto ay ka dhacday magaa-lada "Derby" ee dalka Ingiriiska sanadku markuu ahaa 250 AD.


Magaaladaasi ciyaartaasi ayey can ku noqotay, waayo waxay ciyaartaas kaga adkaadeen Roomaaniyiinta oo markaas Ingiriiska haystay.


Sida hadaba muuqata way adagtahay sida loo kala saarayo halka ay run ahaantii K/Cagtu ka soo bilaabatay iyo ka been sheegidda taariikhda Asliga ah.


Waxaase xusid mudan runna ah oo la hubaa in sharciyada K/Cagta ay isbedelayeen, maalinba maalinta ka danbeysana wax lagu kordhinaayay waxna laga dhimaayay, waxaa jirta waayadii hore in cid kasta oo K/Cagta aliftayba aanay iyagu samaynin sharciyada hadda lagu dhaqmo.


Waagii hore K/Cagta waxaa loo ciyaari jiray hab aan si taxadar leh oo kontrol leh ku dhisnayn, dadka Ciyaarayana si daran ayey isu dili-jireen inta ciyaarta ay ku guda jiraan. Dadka qaarkii waxa ay sheegaan in K/Cagta waayihii ugu horeeyey marka la ciyaarayo Kubad ahaan loo isticmaali jiray dadka dagaalada ku dhinta madaxyadooda iyo waxyaabo la mid ah, arrintuse si kastaba ha ahaatee waxaa manta aanu shaki ku jirin in Qarnigii 11aad K/Cagta si aan tuhun ku jirin looga ciyaarayey qaaradda Yurub.
Inline image

Osman Abdillahi Sool.... Freelance [email protected]. Copenhagen.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...