Mareykanka Oo Ciidamo Kasoo Saaraya Ciraq Iyo Afghanstan

0
Wednesday November 18, 2020 - 09:09:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Ciidamo Kasoo Saaraya Ciraq Iyo Afghanstan

    "Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in amarka madaxweynaha la fulin doono "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in amarka madaxweynaha la fulin doono "

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday in iyada oo la tixraacayo amarka madaxweyne Trump, todobaadyada soo socda dalalka Ciraaq iyo Afghanstan laga soo saari doono qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka.

 

Saraakiishu waxay sheegn in dalka Afghanstan laga soo saari doono ilaa laba kun oo oo askari oo ka mid ah ciidanka millatariga Mraykanka, halka dalka Ciraaq laga soo celi doono shan boqol oo kale oo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Mareykanka.

 

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in amarka madaxweynaha la fulin doono inta ka horaysa munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub oo qabsoomi doonta horaanta sanadka cusub ee 2021.

 

Sii hayayaha xilka Xogahayaha Gaashaandhigga ee Maraykaka ayaa shaaciyay, in qorshuhu yahay in 15-ka bisha Janaury ee sanadka cusub ay noqoto tirada ciidamada Maraykanka ah ee ku suganaan doona Ciraaq iyo Afghaqnistan min laba kun iyo shan boqol oo askari

 

VOA


Loading...
Loading...