"Hal Kamarad Ahi Ma Taalo Warfaafinta Oo Xitaa Qalabkii Ciyaaraha Lagu Tebinnaayay Waxa Lahaa.." Xuuto

0
Tuesday November 17, 2020 - 17:53:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hal Kamarad Ahi Ma Taalo Warfaafinta Oo Xitaa Qalabkii Ciyaaraha Lagu Tebinnaayay Waxa Lahaa.." Xuuto

    "Hal Kamarad Ahi Ma Taalo Warfaafinta Oo Xitaa Qalabkii Ciyaaraha Lagu Tebinnaayay Waxa Lahaa.." Xuuto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hal Kamarad Ahi Ma Taalo Warfaafinta Oo Xitaa Qalabkii Ciyaaraha Lagu Tebinnaayay Waxa Lahaa.." Xuuto

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Ururka Saxaafiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxa uu ganafka ku dhuftay oo qaaddacay Wareegto uu soo saarray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koorre, taasoo uu ku sheegay in Wasaaraddiisu ay diiwaan-gelin ku samaynayso Hay'addaha warbahinneed ee dalka.


Guddoomiye Xuuto waxa uu sheegay inaanay Wasaaradda Warfaafintu xaq u lahayn inay diiwaan-geliso Hay'addaha Warbaahinta Somaliland, waxaannu sheegay in Xeer Ilaalinta guud ay xaq u leedahay Diiwaan-gelinta Warbaahinta.
Guddoomiye Xuuto Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Haysta Warbaahinta Somaliland - YouTube

"Ururka SOLJA waxa uu u arkaa Nasiib-darro qoraalka ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali Koorr. Xeerka Saxaafadda ee wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay waxa uu dhigayaa in Diiwaan-gelinta Hay'addaha Warbaahinneed ay Xaq u leedahay Xeer Ilaalinta guud, manna dhigaayo Xeerkaas Saxaafaddu awood ama saamayn ay ku yeelan karto Wasaaradda Warfaafintu, waxaannay ku habboonayd intaanu Wasiirku soo saarin Qoraalkan innuu dib u eeggo Xeerarka iyo shuruucda dalka.

Saxaafadda Somaliland waa Cashuur bixiyeyaal, waxaanna laga qaaddaa Cashuur badan oo waxa ka qaadda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda ganacsiga iyo Wasaaradda Tignoolajiyadda, wasaaradda Warfaafintu meel ay ka soo gashaa Cashuur qaaddis ma jirto. Lacagta laga qaaddo Hay'addaha Warbaahintu waa lacagta ay ku shaqayso Wasaaradda Warfaafintu, annagoo og inaanay Xukuumadda Somaliland wax buurran dib ugu celin Cashuurta laga qaaddo Hay'addaha Warbaahinneed.

Waxaynu ognahay in Miisaaniyadda ku baxda Wasaaradda Warfaafinta ay gaadhayso 4 Million iyo dheerraad ah oo laga soo qaaddo Hay'addaha Warbaahinta iyo Muwaadiniinta kaleba, haddana waxaynu ognahay inaanay jirin wax adeeg ah oo ay Shacabka dib ugu celiso, xitaa ma jirto wax qalab ah oo Wasaaradda Warfaafintu maanta ku faanni karto. Waxaynu ognahay in xitaa Ciyaarihii gobollada ee socday ay wasaaradda Warfaafintu wayday qalab ay wax ku duubto, waxaanna qalabkii wax lagu duubbaayay iska lahaa Shirkaddo madax-bannaan." Ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Loading...
Loading...