Is-barbardhigga Ugaadhsigii Siyaad Barre ku hayey Madaxdii Isaaqa iyo kan uu Abiya ku hayo kuwa Tigreega.

0
Tuesday November 17, 2020 - 09:36:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-barbardhigga Ugaadhsigii Siyaad Barre ku hayey Madaxdii Isaaqa iyo kan uu Abiya ku hayo kuwa Tigreega.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Sannadkii 1981, ku dhawaaqistii ururkii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM wuxuu Maxamed Siyaad qaaday inuu si guud maamulkiisa uga sifeeyo madaxdii Isaaq ee lamaha kala duwan ee dawlada xilalka ka haysay. Waxa ay xaaladu cirka isku shareertay markii ay SNM fuliyey dhawr hawlgal oo ay ka mid ahaayeen jebintii jeelka Mandheera 1983, la bixistii Cabdilaahi Askar ee miiska saraakiisha isla 1983 iyo dagaalkii buuraha ee dhacay dabayaaqadii 1984. Heerka ay gaadhay basaanimadu, waxa dhacay in la arkay afo basaastay odaygii qabay. Aqoonyahannadii waxa lagu shaabadeeyey halku dhig uu kacaanku lahaa oo nuxurkiisu ahaa " Far soo dheeraatay oo lid ku ah mabaadii’da Kacaanka”.



Wixii ka dambeeyey saddexdaa hawlgal waxa ugaadhsi toos ah lagu bilaabay saraakiishii Isaaq ee ka mid ahaa kacaankii Maxamed Siyaad. Dhammaan wixii haybta Isaaq ah waxa laga tirtiray qaybaha kala duwan ee dawladda, ka soo bilow badhasaab, taliyeyaal ciidan, askar ilaa Karaani. Waxa lagu eedeeyey waxaad qalbiga kala jirtaan jabhada SNM, waa sida maanta Itoobiya ka socota ee Tigreegii lagu ugaadhsanayo waxaad qalbiga kala jirtaan jabhada TPLF.  Dhammaan intii caqli iyo aqoon lahayd markii SNM awgeed shaqadii looga eryey, ee qaarkoodna xabsiyad lagu guray, intii soo hadhay waxa ay baqo cararkii ku galeen xeryihii ay SNM ku lahayd Itoobiya. Tabtaasi oo kale ayaa maanta haysta shicibkii Tigree, wixii ay soo gaadhaan ciidamada Itoobiya dabka ayey saarayaan.


Ugaadhsiga uu Abiya ku hayo Qoomiyadda Tigree.

Markii uu dagaalkaasi toos u bilaabay, waxa iyana barbar socotay ugaadhsi lagu hayo saraakiisha iyo madaxda u dhalatay gobolka Tigree oo gebi ahaan intoodii badnayd laga dhigay wax shaqada laga eryey iyo kuwa la xidhxidhay. Ugaadhsigaasi wuxuu salka ku hayaa in xukuumada Abiya ay ka aamin baxday shaqo kasta oo uu u hayo qof u dhashay qoomiyada Tigreegu. Waxaanu ka cabsi qabaa inay la saftaan tolkood oo ay saraakiisha ciidanka madaxda u ahayd ee Tigreegu ay dagaal ka dhex bilaabaan ciidamada kala duwan ee Itoobiya. Ugaadhsiga Tigreega waxa ay ku soo koobi doonaa dhawr dhacdo oo wararka iyo faallooyinka lagu sheegay:


= Gebre-egziabher Mebratu Meles:  waa nin u dhashay qoomiyada Tigreega. wuxuu ahaa madaxii ammaanka ee midowga Afrika u fadhiyey caasimada Adiis, waxa laga eryey shaqadii uu ku hayey midowga Afrika, ka dib markii ay dawladda Itoobiya dacwad ka gudbisay. taasi oo ahayd inuu qalbiga kala jiro jabhada TPLF ee reer tolkii ee dagaalka kula jirta taliska deg dega badan ee Abiya.


= Ugu yaraan 200 oo sarkaal oo Tigree ah ayaa ay wasaaradda difaaca Itoobiya shaqada ka fadhiisisay, sida uu sheegay wargaysa Foreign Policy. Sarkiisha ayaa qaarkood la xidhay kuwa kalena shaqada ayaa laga joojiyey, waxaanay ilo dhinaca milatariga ahi sheegayaan inay dawlada dhexe uga baqatay inay ciidamada dagaal ka dhex bilaabaan si ay tolkood u caawiyaan.


= In badan oo ka mid ah saraakiishii madaxda ka ahayd ciidamada Itoobiya ee ka mid ah askarta Amison ayaa iyana sidoo kale la ugaadhsaday oo shaqooyinkii laga fadhiisiyey.


= Tiro aan la xaqiijin oo ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradda Itoobiyan Airline oo dhammaantood ahaa Tigree ayaa shaqada laga joojiyey, sida ay ku warantay warbaahinta Tigreega ee Tigraionline.com, in kasta oo ay ku hadasho afka maamul goboleedka Tigree. Caydhinta duuliyeyaashan ayaa looga cabsaday inay diyaaradaha geliyaan dhismayaasha dawladda iyaga oo tolkood u aargudaya.


= Safiiradii Itoobiya u fadhiyey caalamka intoodii Tigreega ahayd, ayaa lagu amray inay xilalka ku wareejiyaan ku xigeennadooda, waxaanay dawladdu ka baqatay inay dacwaddo caalami ah ka gudbiyaan dagaalka ay dawladda dhexe ee Itoobiya kula jirto tolkood.


= Aqoonyahannadii Tigree ee ku sugnaa magaalooyinka kala duwan ee Itoobiya ayaa qaar badani ay ka firxadeen meelihii ay ku sugnaayeen sida jaamacaddaha iyo dugsiyada waxbarashadda, iyaga oo cararay bartilmaameedka ay ka dhigeen taliska Abiya oo Tigree ku shabadeeyey argagixiso mudan in dalka laga xorreeyo.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...