30 sano iyo baadi goobkii aqoonsiga Somaliland.Qaybtii 5. aad Wadamada Deriska

0
Tuesday November 17, 2020 - 09:32:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    30 sano iyo baadi goobkii aqoonsiga Somaliland.Qaybtii 5. aad Wadamada Deriska

    Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

(Wax badan ayaanu wadagnaa sida Diinta,taariikhda midabka,dhaqanka,Afka,wada dhalasho,xididnimo iyo derisnimo,haddana ima aqoonsanayaan,waayo?)

 

 

Somaliland waxay deris la tahay,xuduudna la wadaagtaa 3da wadan ee kala ah, Soomaaliya oo Bari ka xigta,Itoobiya oo Koonfurta iyo Galbeedka ka xiga,iyo Jabuuti oo Woqooyi Galbeed ka xigta.3da wadanba  waxaynu wadaagnaa sida Diinta-Taariikhda -Afka-Midabka -wada dhalasho-xididnimo-iyo derisnimo. Waa la yaab in  mudo 30 sanadood ah ayeynu ka dhaadhicin kari waynay in ay ina aqoonsadaan 3da wadan ee aynu wax badan wadaagno.Waa hubaal in inta badan aqoonsiga Somaliland uu ku xidhan yahay 3daa wadan ee aan kor ku soo xusay.  

 



Haddaba waxaan qoraaladan kugu soo gudbinayaa sababaha keenay in ay wadamada deriska ahi ay u aqoonsan layihiin Somaliland iyo danaha mid waliba leeyahay ee ka hortaagan in uu aqoonsado Somaliland.Way kala duwan yihiin danaha wadan kastaa leeyahay ee ka hortaagan aqoonsiga Somaliland,wadankastana gooni ayeynu u eegi doonaa,qaybtana waxaynu ku eegaynaa,wadanka Jabuuti ee aynu deriska ka nahay dhinaca Woqooyi galbeed.   

 


JABUUTI:-  

 

Wadanka Jabuuti waa wadan aynu deris ka nahay dhinaca Woqooyi Galbeed,deriska ka sokoow waxaynu wadaagna,wax walba oo laba Shacbi wadaagaan ,aqoonsigiina ka dhaadhicin kari waynay,sababtana waxaa lagu soo ururiyaa 2ba arimood oo kala ah:- 


 

1.  Mid dhaqaale,Jabuuti waxay werwer weyn ka qabtaa amase ay ogtahayba ,in haddii Somaliland la aqoonsado ay waayi doonto dhaqalaha ka soo gala dhinaca Ganacsiga,gaar ahaan dhinaca Dekedaha.Waxaa la hubaa in haddii Somaliland la aqoonsado in ay dhismi doonaan Dekedo waaweyn oo cidhiidhi gelin kara  Dekedaha Jabuuti.  

 


2.  Mid dhinaca amaanka ah,Jabuuti waxay aaminsan tahay in haddii Somaliland la aqoonsado in ay waayi doonto,waal xoog weynaa oo Soomaaliya la odhan jiray oo ka ilaalin jirtay wadamo  deris  la ah.  

 


Hadal iyo dhamaan,haddii aan aqoonsi ka waayey kuwaa aanu wax walba wadagno,wax walba isu ahayn,maxaan kaga daali qaar aanan waxba wadaagin,oo aanan waxba isu ahayn ?  

 

…….. la soco Qaybta 6aad iyo Itoobiya.  

 

ALLAA.              MAHAD.    LEH  

 

ALLAA. M A H A D    L E H  

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)  

 [email protected]  

 fb. Abdi Saleiman  

Twitter:  @_saleiman.  

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...