' Somaliland Vs Tigrey ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday November 17, 2020 - 09:07:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    ' Somaliland Vs Tigrey ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Somaliland iyo Tigrey labadooduba waxay ku yaalaan dhinaca waqooyi ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Tigrey labadooduba waxay ku yaalaan dhinaca waqooyi ,
waxaanay wadaagaan Isu eegaanta Juqraafiyadeed oo labada dhulba waxaa ku badan dhulka buuralayda ah .


Dhinaca Taariikhda , Is badal kasta oo ka dhaca Itoobiya wuxuu kasoo bilowdaa dhinaca Tigrey , haday tahay Boqortooadii Xabasha oo ka curatay Axom , haday tahay iska caabintii Talyaanigga , haday tahay dagaalkii jabhadaha iyo haday tahay qaab-dhismeedka cusub ee fadaraalka Itoobiya .


Dhinaca Soomaalida , taariikhaha iyo isbadaladda oo dhami waxay ka curtaan dhinaca Somaliland , haday tahay boqortooyadii Adal ee fadhiyi jirtay Saylac iyo maamulkii Imaam Axmed gurey oo taliskiisu ahaa Herer iyo Saylac , haday tahay Daraawiish oo Burco ka bilaabantay  , haday tahay axsaabtii siyaasadda ee gobonimodoonka iyo isbadal kasta oo taariikhi ah .


Dhinaca baaxadda dhulka , Tigrey waxay ka kooban tahay 84,722km , halka Somaliland ka tahay 176,120 km , sidaa darteed Somaliland ayaa wayn laba jibaar .


Dhinaca dadka Tigrey waa 5 malyuun iyo waxoogaa , Somaliland waa Shan malyuun iyo badh , waana laba dad oo isku tirro dhaw .


Hassa ahaatee , Tigrey 5 malyuun waxay ka yihiin Itoobiya 5% halka shanta malyuun iyo badhka Somaliland ka yihiin 45 % tiradda wadankii la isku odhan jirey Soomaaliya .


Dhinaca Juqraafiyadda , Tigrey dhinaca koonfur iyo galbeed waxaa ka xigga wadanka Itoobiya intiisa kale ,  waana dhul xidhan oo aan lahayn Bad , halka Somaliland jahadda Barri oo keliya ay Soomaaliya ka xigto , isla markaana ay Somaliland leedahay Bad dheer oo aad u balaadhan .


Dhinaca Istaraajiyadda Caasimadda Tigrey ee Maqale waxay u jirtaa xuduudka Itoobiya inteedda kale 170 km , halka Caasimadda Somaliand u jirto xuduudka Soomaaliya ku dhawaad kun km .


Si kastaba ahaatee , Somaliland waxay dhinac walba kaga Istaraatijsan tahay Tigrey , arrinta Saadka ee laggu cadaadinayo Tigrey dagaalkiisana , Somaliland laguma cadaadin karro si kasta oo ay Soomaaliya isugu dhacaan maxaa yeeley Somaliland waxy leedahay xeeb dharerkeedu yahay 850 km.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...