"Hogaamiyihii Sarajooga Ku Riyooday"
Seddex bilood ka dib bishii April, sannadkii 2018-kii, oo ku beegnayd markii loo caleemo-saaray Abiy inuu noqdo Ra'isal wasaaraha Ethiopia, wuxuu bilaabay dhaq-dhaqaaq afka in laga yidhaahdo ay fududahay laakiin aan caqligu dhaadan karin "Is dhax-galka Africa".
Africa inay is dhex gasho waxaa hor taagan caqabado salka ku haya diin, dhaqan iyo afkaar siyasadeed oo kala fog.
Riyaddii Abbiy waxay fogaysay dalal badan oo Ethiopia cidhifka bariga iyo galbeed kala daris ah sida Djibouti, Kenya iyo Sudan.
Muris Kiruga, oo ah cilmi baadhe u dhashay dalka Kenya ayaa qoraal uu ku qoray jariiradda Daily Nation ee dalka Kenya wuxuu Abiy ugu magac daray "hogaamiyahii sarajooga ku riyooday" wuxuu Mr. Kiruga lafa-guray dhibaatada qomiyadeed ee dalka uu Ra'isal wasaaraha ka yahay dul hoganaysa iyo siduu doonayo inuu Africa iskugu keeno, "midkee horaysa in la isku furo isku socodka Tigrey iyo Amhara, iyo in la isku furo dhaqaalaha Ethiopia iyo Mozambique" ayuu ku yidhi qormadiisa.
Tallaabo kasta oo
Abiy Axmed qaaday, intuu xilka hayay, waxay ku sababtay Ethiopia burbur
dhaqaale, qoomiyadeed, iyo siyasadeed, ka hor intaan xilka uuna qaban Abiy
Axmed, 1-ka Dollarka maraykanka ah, waxaa lagu sarifaayay 27 Birr oo ah lacagta
Ethiopia, maantana wuxuu maraya 1-kii dollar 45 Birr oo lacagta Ethiopia, 70%
dadka Ethiopia noloshoodu marka horaba waxay u dhexaysay dab iyo digsi, waana
dad sabool ah, waxaa saameeyay sicir barar, waxaa qaaliyoobay qiimahii furinka
iyo maceeshadda.
Intuu xilka hayay Abiy waxaa ku dhintay kumanaan qof rabshado ay iskaga hor yimaadeen qoomiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia, waxaa xabsiga la dhigay boqolaal qof oo iskugu jira siyaasiyiin iyo suxufiyiin.
Hadda, wuxuu bilaabay Ra'isal wasaare Abiy dagaal uu ogyahay inaanu ku guulaysanayn.
TPLF, oo ahayd jabhaddii sannadkii 1991 kii xukunka ka tuurtay keligii taliyahii Mengistu Hailemariam, isla markaana muddo 23 sanno ah xukunka dalka Ethiopia gacanta ku hayay oo haysta hubka dalka Ethiopia 40%, ayuu ku dhawaaqay Abiy dagaal ka dhan ah.
Ciidamadda Tigreega waxaa tiradooda lagu qiyaasa inta u dhexaysa, 30 ilaa 40 kun oo askari, oo si heer sare ah u tababaran, iyo 150 kun oo askari, oo iskugu jira jabhado iyo qaar tababaro ku jira, waxay gacanta ku hayan hubkii iyo saanaddii saldhiga ugu weyn ee dalka Ethiopia lahaa, oo ah Aagga waqooyi, hubka gacanta ugu jira waxaa ka mid ah taangiyada T-62, T-52, T-54, sawaariikhda lidka diyaaradaha ridada gaaban ee LY-60 / FD-60 / PL10, waxaa sidoo kale gacanta ugu jira kimikada wax gumaada oo wershadahii ciidamadu lahaayeen oo lagu samaynaayay qaarkood gobolka Tigreega ku yaalleen.
Marka laga yimaado hubka iyo saanadda ay TPLF leedahay, waxay sidoo kale yaqaanan dagaalka buuraha, oo ahaa kii ay kaga adkaadeen ciidamaddii dhargiga ee Mengistu Hailemariam, waxay leeyahiin tababar iyo adkaysi ay ku dhuuman karaan buuraha Tigreega ee loo yaqaano Nahiso Terara, oo ay dagaalo qarsoodi ah ka soo qaadi karaan, waaba haddii laga qabsado magaalooyinka waaweyn.
Abiy Axmed, wuxuu bilabay dagaal aan dhamaad lahayn, oo Ethiopia dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba riiqi doona, suurtagalna ay tahay inuu Ethiopia kala jabiyo.
Dhawrkii usbuuc ee la soo dhaafay, wuxuu Dr. Abiy Axmed, ka soo saaray Ethiopia xaaskiisa iyo caruurtiisa, oo uu dejiyay duleedka magaalada Washington Dc ee caasimadda dalka maraykanka, xilli uu bilabay dagaal aan dhamaad lahayn.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!