Kubada Cagta Somaliland...W/Q Jaamac Ibraahin Xaraare
Kubada Cagta Somaliland...W/Q Jaamac Ibraahin Xaraare
Kubada Cagta Somaliland.
Maxaa faaiido inooga ah in ay sportska Somaliland uu sii socdo, mar hadii ay isku badashay madal lagu koriyo laguna qaybiyo qabyaalada iyo adhax tuujinta umada Somaliland, waxay ahayd in sportsku noqdo shayga kaliya ee aynu kula dagaalami karno qabyaalada, taas cakiskeeda waxay noqotay dawadii qabyaalada, cayda, fadexada iyo kala qaybinta umada tiirka u ahayd.
Waxaad arkaysaa aqoonyahankii, siyaasigii, dhalin yartii, odeyashii iyo cid kasta oo umadan hormood u noqon lahayd oo mid waliba af qabiil ku hadlayo, dad badan oo aad moodaysay in ay yihiin dad qiimo iyo miisan leh ayaa waxa ay ku fashilmeen Social media ama baraha bulshada, iyaga oo dhex matinaxa xumaanta quluubtooda ku jirta.
Ma haboontay in umad dhan oo ka mid ah qaranka Somaliland aad si yar oo fudud aflagaado weyn aad ugu geysto, taasi oo aakhiradada iyo ilahay agtiisa kuu keeni karta cadaab iyo cadho Allah.
Waxayni ku midawnay dal, dawladu waa inaga dhaxaysaa cid gaar ahi yey isa siinin.
Somalia waxaynu uga goosanay takoor iyo cadaadis iyo in Dadka Somaliland noqdeen dad la bar tilmameed, ka waran maanta hadii aynu wadadii cagta saarno? Ma inoo muuqanaya mustaqbal fiican?
Dhalin yarteenii markaynu ku wada korino magaca qabiil xagay in geyn doonaa?
Xadiis
Hadaad qof muslim ah tahay waxaa kuu wanaagsan inaad qabyaalada iska taagto halkuu nebi maxamed csw iska taagay oo ah naga mid maaha qofka ku baaqa qabyaalad, naga mid maaha qofka u dagaalama qabyaalad, naga mid maaha qofka u dhinta qabyaalad.
لأن النبى صلى الله عليه وسلم قال فى
الحديث الشريف: ( ليس منا من دعا إلى عصبية وليس منا من قاتل على عصبية وليس منا من مات على عصبية).
Maalin walba waxaxnu joognaa shalay ayey dhaantay.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...