Miinada Mudaysan W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Sunday November 15, 2020 - 09:32:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miinada Mudaysan W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Ethiopia dal dhaca bariga Africa gaar ahaan geeska Africa dal ay dalkeena Somaliland jaar yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia dal dhaca bariga Africa gaar ahaan geeska Africa dal ay dalkeena Somaliland jaar yihiin.

Dalka ugu dadka badan bariga Africa dalka labaad e ugu dadka badan qaarada Africa.

Dhaqalaha koraya e qaarada iyo dunida o dhan dalka leh diyaarada ugu wanaagsan e qaarada uguna diyaaradaha badan qaarada Africa diyarado gaadhaya 111 diyaaradod.

Dalka 60aad e kaalinta military ga e dunida, dal ay ku noolyihin qomiyado aad u badan isla markana leh hal dawlad o dhaxe o dalka o dhan masuul ka ah bal halka yar is dul tag o aad u fakar.

 

Kaso gudub xogtaas aqoonaysan sida aynu lawada socono dalka Ethiopia waxa u jihastay dagaal sakooye o aad u qadhaadh o ka dhaxeya dawlada dhaxe e federalka ah e u hogaamiyo RW Abiy ahmed iyo ismaamulka tigrayga waxa ayna wada galeen dagaal dhulka iyo cirka ah o aad u qadhaadh o dad badani ku dhinteen.



Tigraygu Ethiopia waxay ka yihiin 6% tiro ahaan waa dad gaadhaya 4.96 million waa tirakoobki la sameyay sanadkii (2014) waa dad aad udag o qab leh waa wada meles zenawi waxa ayna ku noolyihin dhinaca waqooyi e dalka Ethiopia kala badh ayay yihiin ciidama millatry ga e Ethiopia waxayna ku qalabaysanyihin saanad millatry o dhulka iyo cirka ah.

 

Xagee ka bilaabmatay xiisadani?

Abiy marki u yimi xafiska 2018 ka waxa u si fudud ugu warejiyay Eritrea gobihi laysku haystay waxa una saxib dhaw ka dhigtay Eritrea iyo madaxwayne asis afwerki xaladas muumulka tigrayga waxa u arkayay dulan qaawan o aan maro lagu dadin.

 

Waxa kale o abiy kala diray xisbigi 30 ka sano Ethiopia so xukamayay waxa una ku badalay mid cusub xisbiga barwaqada taas o cadho baahsan dhalisay maadama xataa shaqala hoosadka dawladda iyo shacabka guud ahaan ay xisbigaas tagaro u ahayen meesha waxaba ka baxday is aminaadi.

Waxa u beegsaday sarakishi tigrayga e wax la xidho iyo wax la eryado o la baacsado ayay noqdeen.

 

Waxa kale o jirta in muddo xileedka RW abiy dhamaday bishi hore e October 2020 taas o lo sameyay muddo kor dhis sanad ah o keentay khal khal iyo xasilooni darro hor leh.

 

Xiisadan sameen inte leeg ayay yeelanaysa?

Maadama Ethiopia tahay dal muhiim u ah geeska Africa iyo guud ahaan qaarada Africa hadii dagaalku sidaas ka sii qadhaadhado waa in aynu u diyaar garawnaa mawjado fatahaado ah o dad badan ah o dalkeena Somaliland yimaada kuwaas o colaada kaso barakaca.


Waxa gabi ahaanba istaagi doona ganacsigi Ethiopia inaga dhaxeyay waxa mesha ka bixi doona isticmaalka dakada berbera maadama dagaalku aad u waynaday dawladanu anay waxba kala xakamayn kari waydo waxa istaagi doona dulimaadka diyaarada Ethiopian airline o dalkeena maalinki labo jeer timaada waxa go,I doona u safrida dadkeena e dhinaca dabada maadama dalka dhan hal diyaarad timaado.

Waxa istaagi doona ganacsiga Ethiopia kala dhaxeya qaarada iyo dunida inta kale.

 

Caasimada addis ababa maadama ay tahay xurunta midawga Africa o gurina uga dhisanyahay midawga Africa u dalka china maal galiyay waxa hakad gali doona hawlo maalmedki midawga Africa.

 

Samaynu intaas way kasi badan toona intaas waa sadaal haddi xaalku kasii daro.

TWITTER:     HON Mohamed Aden Hassan

            Email:  [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...