Marxalada Dhallinyarnimada.

0
Saturday November 14, 2020 - 09:58:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxalada Dhallinyarnimada.

    WQ: Cabdirisaaq Xasiliye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Cabdirisaaq Xasiliye

Marxalada dhallinyarnimadu waa marxalada ugu quruxda badan nolosha qofka, waana mida ugu caqabadaha badan heerarka da’da qofka, waana halka uu qofku ka abqaalo geedka uu hadhsan doono noloshiisa danbe oo habka uu marxaladaasi uga gudbo ayaa go’aamisa inay noloshiisu qofka manfac badan yeelato iyo in ay yeelan weydo.

 

Marxaladan dhalinyarnimada waxa inta badan qofka noloshiisu ka fogaataa xaqiiqada iyada oo aynu u aanaynayno inaanu qofku marxaladan lahayn khibrad nololeed iyo waayo aragnimo badan oo uu ku dabaqo noloshiisa, waana mida ku sababta dad badani inay awoodi waayaan inay dhisaan mustaqbal wanaagsan oo ay majeertaan hadhow.

 

Dadka qaar waxa ay marxaladan galaan mooganaan iyo ilowsho dheer oo ay dareemi waayaan inay marxaladan ka bixi doonaan mar uun sidaasina wakhti badani kaga lumo oo ay baraarugaan xilli aanay fursado badani hareerahooda oolin, waxana ay inta badan dadkani dhaxlaan cidhiidhi nololeed iyo xaalado mustaqbal oo adag.

 

Halka ay dadka qaarna dareemaan marxaladani inay tahay fursada ugu weyn ee ay noloshooda haystaan kuna sugnaan doonaan mudo yar ugana faa’idaystaan sida ugu wacan ee kartidooda iyo awoodooda ah, waxana ay dadkani inta badan dhaxlaan farxad nololeed oo waarta.

 

Qofku marka uu gaadho da’aha u danbeeya cimrigiisa waxa uu inta badan ku sugnaadaa xasuus, taasi oo uu qofku daawanayo falalkii uu soo sameeyay marxalidiisii dhalinyarnimo iyo hababkii uu ugasoo gudbay,

Waana sababta ay waayeelkeenu inta badan u xamilaan inay kali fadhiyaan wakhti dheer.

 

Hadii uu markaasi waayihiisii dhalinyarnimo ugasoo faa’idaystay sidii ugu wacnayd waxa uu qofkaasi ku suganyahay rayn rayn iyo badhaadhe waxana uu ku qanacsanyahay heerka uu da’ahaan kaga jiro noloshiisa oo ma dhibto waayeelnimadu.

 

Hadiise uu qofku marxaladiisii dhalinyarnimo uu loofaray oo aanu waxbadan ka faa’idaysan waxa uu ku suganyahay welwel iyo qoomamo joogto ah kumana qanacsana heerka da’ahaan uu kaga jiro noloshiisa oo waxa jira saluug faro badan oo uu ka tirsanayo hab nololeedkiisii uusoo dhaafey balse aanay awoodiisa ahayn inuu wax ka qabtaa.

 

Sida u isticmaashid dhalinyarnimadaada ayaa go’aamisa badhaadhahaaga aduun iyo aakhiraba.

 

WQ: Cabdirisaaq Xasiliye


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...